Haweenay markii ugu horreysay la kulantay hooyadeed oo 103 sano jira ah

0

Haweenay u dhalatay dalka Ireland oo 81 sano jir ah ayaa sheegtay inay markii ugu horreysay la kulantahy hooyadeed oo 103 sano jira ah.

Waxay bilawday inay hooyadeed baadigoobto iyada oo 19 sano jira ah.

Bilawgii sannadkan ayaa waxa soo wacay dhakhtar waxa uuna u sheegay inuu ku guulaystay baadigoobkii hooyadeed.

“Markii aan maqlay sidaas, waxa aan go’aansaday inaan soo arko.” Ayay tiri Eileen.

Waxa ay u safartay Scotland bishii la soo dhaafay si ay ula kulanto hooyadeed , Elizabeth oo maalinta Sabtida ah jirsanaysa 104 sano.

“Waa haweenayda ugu qurxan dunida, waa qoys aad u wanaagsan, aad ayey ii soo dhaweeyeen,” ayay tiri.

“Si fiican ayey ii qaabileen waxaana hooyaday la yeeshay waraysi aad u wanaagsan.”

Eileen ayaa sheegtay in Elizabeth ay aqrinaysay ja’raaid markii ay la kulmaysay

 

Eileen qudheeda waa hooyo ay u joogan saddex carruur ah.

Waxa ay sheegtay inay aad u faraxday kadib markii ay la kulantay hooyadeed oo muddo dheer ka maqneyd.

Waxay sidoo kale xustay inay waligeed ku hami weyneyd inay la kulanto hooyadeed, oo aysan marnaba ka niyad jabin baadi goobkeeda.

“Waxaan wada qaadannay saddex maalmood oo cajiib ah oo aanan waligay helin.”

“Ilama ahan inaan howl sameeyay tan iyo markii ay guriga timid, aad ayaan u faraxsanahay.”