Itoobiya Oo Ruushka La Gashay Heshiis Ay Ku Isticmaalayso Nukliyeerka

0

Dawladda Itoobiya ayaa Shirkadda Tamarta Nukliyeerka Ruushka ee Rosatom la gashay heshiis ay tamarta Nukliyeerka ugu adeegsanayso hab nabadgelyo ku dhisan.

Warbaahinta Itoobiya ayaa werisayin heshiiskan lagu kala saxeexday Salaasadii Magaalo xeebeeda Sochi ee dalka Ruushka, waxaana labada dhinac qalinka ugu kala duugay Wasiirka Tiknoolajiyadda Itoobiya Dr-Ing. Getahun Mekuria iyo Agaasimaha Guud ee shirkadda Rosatom Mr.Alexy Liknachev.