BBC Somaliland oo haamo waawayn u culanaysa shidaalka geeska Afrika

0

Shirkad Shiinaha laga leeyahay ayaa heshiis baaxad wayn la sixiixatay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, sida uu BBC-da u sheegay Wasiirka Maalgashiga Somaliland Maxamed Ahmed Cawad.

Heshiiskan ayaa dhidibada loogu taagayaa warshad sifaysa shidaalka.

“Saddex shirkadood ayaa shidaal qodis ka wada Somaliland dhammaantoodna rajo ayaa laga qabaa in ay shidaal heli doonaan” ayuu yiri Maxamed.

“Maadaama oon meel dhexe ku naalo waa meel la keeni karo shidaallada bari iyo galbeed ka soo baxa ka dibna lagu sifayn karo oo Afrika oo dhan halkaas laga gaarsiin karo” ayuu intaas ku sii daray wasiirka.

 

Sannadkii hore ayay Itoobiya soo saartay shidaal ka dib wakhti dheer oo ay sahan shidaal ka wadday Dawladda Deegaanka Soomaalida.

Dawladda Kenya ayaa sidoo kale dhawaan sheegtay in ay shidaal ka heshay dalkeeda, arrimahaas oo dhan marka la fiiriyana warshad shidaal samaysa oo gobolka laga billaabo hadda ayaa u muuqata mid mustaqbal ifaya leh.

“Waddankan aan jaarka nahay ee Itoobiya ayay shirkadaha oo dhan tartan ugu jiraan” ayuu yiri wasiir Maxamed oo ku baraarugsan ahmiyadda suuqa 100 milyan ee ruux ee ku nool dalka Itoobiya oon bad lahayn.

 

Wallaahay waan ku faraxnay”

Mashruucan warshadda shidaalka sifaysa oo lagu wado in uu noqdo mid baaxad wayn ayaa loo arkaa in uu wax wayn ka qaban doono mashaakilka Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ka haysta shaqo la’aanta baahsan ee dhallinyarada.

 

Dhawaan ayuu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Billaabay “qorshe qaran” oo Somaliland ay tabobar iyo shaqo abuur ugu samaynayso dhallinyarada jaamacadaha ka baxday kuwaas difcaddii ugu horraysay la xareeyay.

Shirkaddan Shiinayska ah ayaa ogolaatay in ay waxbarasho dibadda ugu qaaddo isla markaasna shaqo siiso 300 oo ka mid ah dhallinyaraas, sida uu BBC-da u sheegay Wasiirka Maalgashiga Somaliland.

“Qorshahaas ay shirkadda shidaal sifayntu shaqo abuurka ugu samaynayso wallaahay waan ku faraxnay waana soo dhawaynaynaa waayo dadkani waa dad dhallinyaro ah oo ku yimid mashruuca shaqo qaran, marka dhallinyaradan oo shaqo la’aan ah jaamacadana ka soo baxay aad bay u soo dhaweeyeen” ayuu yiri Faysal Cabdi Muxumed oo ka mid ah difcada koobaad ee shaqada loo ballamiyay.

Wariye Farxaan Maxamed Jimcaale oo telefishinka laanta af Soomaaliga ee BBC ku waraystay Maxamed Ahmed Cawad ayaa waydiiyay waxa heshiiska shirkaddan uu uga duwanaan karo kuwii ka horreeyay ee ay waxba ka soo naaso caddaan waayeen?

“Walaal kuwii hore waxay ahaan jireen isfaham shirkado lala galay oo warbaahinta gaaray, balse kan waa heshiis.” waana la dhagax dhigay ayuu yiri Cawad.