Ciidamada booliska Somaliland ayaa maanta xabsiga u taxaabey agaasimihii Maamulka iyo Lacagta Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Xasan Maxamuud Muxumed
.
Warar hordhac ah oo ay helaysay shabakadda caalamiga ah ee hadhwanaagnews ayaa tibaaxaya in amarka lagu xidhay uu bixiyay Hanti-Dhawrka Somaliland oo Bilihii ugu dambeeyay baadhis ka wadday Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Oo Lag Edeeyo in ay ka dhacdo wax is-daba marin wayni.
Saaka ayay ahayd iyaduna markii la xidhay agaasimihii guud ee wasaaradda warfaafinta u isagu shalay war-qadiisa is casilaadda uu gudbiyay madaxwaynaha somaliland,waxaana ay tani noqonaysaa in baadhista ay wadeen hanti-dhawrku in laga gun-gaadhay.



















