Agaasimihii Guud ee wasaarada warfafinta jamhuuriyada Somaliland oo Xabsiga la dhigay

0
Agaasimihiiguud ee wasaaradda warfaafinta Somaliland Dr. Cismaan Xuseen Warsame oo is casilay shalay ayaa xalay lagu xidhay magaalada Hargaysa.

Ilaa imika ma cada sababta rasmiga ah ee loo xidhay masuulkan shalay iska casilay xukuumada.

 

Waxaanu ku sababeeyay is casilaadiisa arimo caafimaad, waxaanu sheegay in madaxwayne Muuse ka aqbalay codsiga is casilaada oo uu ugudbiyay.

Waxaa maalmihii ugu dambeeyey ku jiray Wasaarada Warfaafinta Somaliland Hantidhawrka qaranka oo baadhid ka waday wasaaradaasi.