Dawlada Itoobiya ayaa heshiis la gaadhay dhaqdhaqaaqyada kala ah Afar Liberation Movement(ALM) iyo Gambella People’s Liberation Movement(GPLM).
![]() Wasiirka warfaafinta dalka Eritrea Yemane Gebremeskel ayaa shaaciyey in heshiiskan ay labada dhinacba ku saxeexeen magaalada Asmara. Dib u heshiisiintan ay Itoobiya la gaadhay labadan labadan dhaqdhaqaaq ayaa dhigaya in aragtidooda siyaasadeed ay ku fuliyaan hab nabadgalyo ah iyaga oo ku sugan wadankooda Itoobiya. Wasiirka difaacan ee dalka Itoobiya Eng Aisha Mohammed iyo ku xigeenka maamulka Afar Usman Mahammed ayaa heshiiskan la saxeexday gudoomiyaha dhaqdhaqaaqa ALM, halka madaxa maamulka Gambella Omod Ojulu uu heshiiska la saxeexday gudoomiyaha dhaqdhaaqa GPLM. |