Markaad dhugatoย nuqulkii heshiiskiiย ย DPW iyo JSLย wada galeenย sanadkii 9/5/2016ย –Waxaaย isfahanka Heshiiska qaybtiisa kowaad ee “Memorandum Ofย Understand ”ย uu cadeynayaa ย inย mudnaanta kowaad la siin doono Mashaariicda horumarinta bulshada , kuwaas oo laga ilduufay qalinkana lagu xaday ooย hadaย xukuumadu sheegtay in ay iska ahaayeen uun balan qaad.ย Mashaariicda horumarinta ee la isla fahmayย waxaa ka mid ahaa:ย Mashruuca Beeraha,Kaluunka, Dhoofka xoolaha,ย Shaqo abuurka dhalinyarada, horumarinta Dalxiiska, dhismaha Wadadda Berbera Corridor, Dhismaha Keydka haamahaย Shidaalka ee Berbera , horumarinta Caafimaadka, Waxbrashada iyoย horumarintaย korontada magaalada Berbera,dhismaha Madaarka Berbera.ย Waxa ku cad nuqulka isfahankaย ย ย in heshiiskii labada garab ee Xukuumadii hore ee Somalilandย ย iyo Shirkada DPWย ย isla qaateen uu qeexayey in balaadhintaย Dekeda Berbera laguย bilaabi doono laguna dhisi doono mudoย sanad gudihiis ah ย taa soo dhismuhu ku saleysnaan doonoย sadexdan weji ee hooseย ย oo kala ah:
1- Phaseย 0ย ย Waxaa laย keeni doona Dekeda Berberaย 3 Wiish oo Alaabta dejiya ย (3 Mobile Cranes) ย 5 Wiish oo raseeyayaal ah (5 reachย stackers)ย ย 3ย Tareele oo containarada qaada ย (3 emptyย carriers)ย ย Newย Securityย system oo dekedu ku shaqeyn doonto oo ku qalabeysan cilmiga tiknolajiyada cusub eeย kumbuyuutarka ah.
Wejigani wuxuu ku kacayaaย lacag gaadhaysa $62 Million oo Dollar. ilaa iyo hadaย DPW lagama hayo fulinta wejigan in kasta ooย qalab yar oo baali ahย ay Dekedoodaย ย Jabal Ali ka soo xawawariyeen qalabkaasina uma dhawa umana dhigmo wixii lagu heshiiyeyย .Waxaa looga fadhiyaa shirkada DPWย qalab qiimihiisu yahay $62 million doolar oo dalka dhaxal unoqda.
2- Phase 1ย ย Wejigan wuxuu leeyahayย waxaa Dekedii hore lagu kordhinayaa Deked yar oo cusub oo 400mย iyo 25 yard ah oo ay ku soo xidhan karaan ilaa iyo 3 markab. ย Waxaa kale oo wejigan la socda ayey leeyihiin in la keenaayo Dekeda Berberaย 7 Wiish oo ah kuwa casriga ah ee qaadaย isla markaanaย raseeyaย kontaynarada (7 Rubber tired Gartry Cranes). Waxaa wejiganiย lagu maalgelinย doonaa lacag gaadhaysa ilaa $170 Million oo Dollar. Wejigan ilaa hada lama bilaabin waxaana ay DPW jebiyeen waqtigii lagu heshiiyey in lagu bilaabo wejiganย oo sanad ka hor aheyd.
3- Phase 2ย ย Wuxuu qeexayaa inย wejiganย hirgelintiisu ay ku xidhan tahayย mar kastaย sida ay u shaqeeyaan Phase 0 iyo Phase 1, Wuxuu wejigani qeexayaa in marka Dekeda wax soo saarkeedu gaadho ilaa iyo 75%ย ay markaa hirgelinayaanย ย Phase 2, Taa soo Dekeda lagu sii kordhinaayo 400m Quay and 25yrd kale oo noqonaysa barxad kale oo ay kuย soo xidhan karaan ilaa iyo 3 markab oo kale. Qiimahaย wejigan 2-aadย ย laguย Maalgelinaayoย ayaa lagu qiyaasay lacag gaadhaysa $10 Million Dollar.
Isku darka lacagtaa maalgelinta ah ee loo qoondeeyey Balaadhinta Dekeda Berbera ee ku saleysan Sadexdaaย weji ee sareย ayaa isku noqonaysa $242 Million oo doolar. Taas ooย noqonaysa ย lacag aad u yar marka loo eego lacagta ay Dekeda Berberi u soo xareyn jirtayย Qaranka Somaliland sanad kasta.
Mudadaa 2-da sanadood ย ah ee Shirkada DPWorld ย Dekedaย Berbera maamulaysayย waxay ku fashilantay inay hirgeliso dhamaan qodobadii lagu heshiiyey oo dhan oo ย ay ka mid ahaayeen kuwan hoose:
1- In Dekedii hore la qalabeeyo oo la dayac tiro.
2- Inย Deked cusub oo 800 mitir ah, la kalaย dhisto laba jeer oo min 400 mitir ย ah.
3- In Wadada Rajada ee Berbera Corridor la dhisto waa ( Wadadda isku xidhidha Berbera iyo Wajaale ) oo aan weli la sheegin waqtiga la dhisi doono.
4- In Madaar Madani ah Berberaย laga dhisto maadaama Madaarkii hore ee Berbera ay Saldhig ciidan ka dhigteen xulufadaย imaaraatigu.
5- In ayย dalka ka fuliyaan Mashaariic fara badan oo heshiiska ku jirtay ku waas ooย arimaha bulshada kor loogu qaadayo sida Caafimaadka, tamarta, Dalxiiska,ย Beeraha , biyaha iyo waxbarashada
6- In Berbera laga dhiso Suuqa xorta ah oo ah Suuq balaadhan oo alaabooyinka dalka gudihiisa iyo debediisa tegaaya lagu kala qaybiyo ( free zone )
7- In ay dhalinyarada aqoon yahanka Somaliland Imaaraatka u shaqo tagaan iyaga oo baasaabooradooda Somaliland isticmaalaya. Dhamaan mashaariicdaasi waxayย noqdeen mashaariic male-awaal ah oo cilmi feleg ah oo aan markii horeba wadan halbeeg lagu cabiro, qiime sugan iyo waqtiga ay bilaabmayaan iyo waqtiga ay dhamaanayaan midana, ilaa iyo hadana waxba kama fulin oo waabayย dafirsan yihiin qaar ka mid ah mashaariicdaas sida dhamaan mashaariicda horumarinta arimaha bulshada oo ay ku leeyihiim heshiiska kumay jirine balanqaad bay ahaayeen.
Waxaaย kaaga ย sii daran arinta sare Khiyaamooyinkaย maldahan eeย maalkii ย shacabka Soomaaliland lagu sameeyey maadaama mar kasta Raadaarka iyo caqiidada Siyaasadeed ee xukumada kulmiye aanay dhaafsiisneyn qaado aan qaatee, kula lihi iyo kaa lihi, ย Boowe !ย Waxaa ummadda u cadaatay in :
1- Kiradiiย Saldhigaย ย Ciidamada Berberaย uu jeeb khaldanย ku dhacday, Laakiin ummadda looguย sheekeeyey in aynuย mashariicย dhaafsanay ! Mashaariicdee dee ??
2- Kiradiiย Dekeda Berbera oo Sanado badan la sii qadintay oo aan ku dhicin khasnada dawlada. Maxaa miisaaniyada qaranka loogu dari waayey? ย ” Timir lafbaa ku jirta “.
3- Saamiga JSL ee DPW ee Dekeda oo ah 30% oo aan ku dhicin khasnada dawlada laakiin la isku raacay in ay ku dhacdo shirkada Somaliland investment Company oo ah Xisaab-socod qarsoon oo khatartiisa leh.
4- $30 Millionย oo ururka midowga yurub ay ku balan qaadeen in ay ku bixin doonaan wadda Berbera iyo Wajaaleย isku xidhi doonta ayaa maanta lagu dhagax dhigayaa Wadadiiย Berbera Corridor oo ummadda lagu jaahwareerinayaa ย waase la arki doonaa halka ay ku danbeyso iyo goortaย la bilaabi lana dhameyn doono maadaama aan heshiiska lasyla meel dhigin qaybsigii la qeybsan lahaa lacagta guud ee Mashruuca Berbera Corridor ย ku bixi doonta Itoobiyana aynu xaalkeeda ka dheregsanahay.
Waxaa Xukuumadu carabkeeda ummadda ugu celcelisay kuna canqarisay sanadadii la soo dhaafay oo dhanย in Balaadhinta Dekedaย Berberaย laba bilood gudahood lagu dhisi doono, lamana dhisinย ilaa iyo maantana waxba kama soo naaso cada oo dalkii wuu dhacan yahayย oo dulmi ayuu ku jiraa. Waxaa la wada ogyahay in dawlada imaaraatigu ay itoobiya ku maalgeliso lacago faro badan oo gaadhaya $3.Billion doolar halka ay inaga inoo quudhi laย yihiin lacagtaa yar ee ayย ku balan qaadeen ย inay Dekeda Berbera ku maalgelinayaan. Khatarta Dahsoon ee Somaliland hada ku iman kartaa waxaa weeye in ay Ciidamadooda soo dejiyaan Saldhiga Berbera dhawaanย kadibna shacabka Somaliland ayย ku cabudhiyaan.
Fiiro Gaar ah :ย Kadib markuu aqoon yahanka Somaliland sameeyeen cilmi baadhis cokan waxay isku raaceen in heshiiskaniย khatar ku yahay Qowmiyada iyo qaranimada Somaliland. Waxaana la ogaaday in Shirkada DPW hore heshiisyo badan u jebisay uguna fashilan tahay oo ay qalabkeedii ka furatay Dekedo badan oo Caalamka ah. sida ย Dekeda Jabouti,ย Dekeda Cadan, Dekeda Lebanon iyo Dekeda Senegal, Deked Maleysia ku taala, Deked indonisia ku taal,ย ย iyo Deked Mareykanka ku taala.
ย Anigu Daaha kama Rogin ee Dadkuba Way arkaayaan!ย Shacaboow Tiraa Kaa gedmane wax isu geygeyso !!
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi- Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madaxbanaan
Intensiveย Advisor ED BD PA
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madaxbanaan
Intensiveย Advisor ED BD PA
United Kingdom
London