Dr.Abiy Ahmed Oo Farmaajo Kala Hadlay Arimo Somaliland Ku Saabsan

0

Raysal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo kala hadlay arimo ku saabsan somaliland.

War laga soo saaray xafiiska raysal wasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay in Dr. Abiy Ahmed uu kala hadlay madaxweynaha soomaaliya wanaajinta xidhiidhka somaliland oo loo arkay inay qayb muhiim ah ka qaadan karto nabada gobolka geeska Afrika.

Sidoo kale raysal wasaaraha Itoobiya ayaa madaxweyne Farmaajo kala hadlay horumarka dekedaha wadaaga ah, iyada oo dekeda ugu weyn somaliland ee Berbera ay saami ku leedahay dawlada Itoobiya.

Qoraalka soo baxay xafiiska raysal wasaaraha Itoobiya ee qayb ka mid ah lagu soo qaaday somaliland ayaa waxa falanqeeyey Maxamed Xaaji Maxamuud oo hadyo jeer sharaxaad ka bixiya siyaasada geeska Afrika, waxaanu falanqayntiisa ku yidhi:-

 

Raysal Wasaare Abiy ayaa kala hadlay Madaxweyne Farmaajo in culays la saaro xoojinta nabad-galyada mandaqadda sida ay dhigayaan heshiisyadii hore loo kala saxeexday; in si farsamo ah loo galo si loo hubiyo hawlaha Kenya iyo Soomaalida; in la wado horumarka dekedda wadaagga la gu yahay; iyo in la hubiyo xidhiidhka maamulka Somaliland in uu taageero nabadda mandaqadda”.

”PM Abiy held bilateral discussions with @M_Farmaajo focused strengthening regional peace per the agreements signed previously; mechanisms to ensure Kenya-Somali; continuation of joint port dev’t; & ensuring relations with the administration of Somaliland support regional peace”.

Turjumaaddani waa tan ugu dhaw nuxur ahaan ujeedada qoraalka marka Soomaali loo rogo. Sababta aan sida saxar la’aanta ah ugu turjumayna waa in ay dadka Soomaalida ahi meel ay joogaanba fahmaan ujeeddada siyaasiga ah ee uu qoraalkan xafiiska Raysal Wasaaraha Itoobiya ka soo baxay yeelan karo.

Haddii aan sadar walba sidiisa ugu qaado oo gaar u taxliiliyo qoraalka si aan siyaasiyan indhaha ugu jeexo waxa uu u dhigan yahay sidan:-

1. Raysal Wasaare Abiy ayaa kala hadlay Madaxweyne Farmaajo in culays la saaro xoojinta nabad-galyada mandaqadda sida ay dhigayaan heshiisyadii hore loo kala saxeexday;

Tan macnaheedu waa in Itoobiya ay Farmaajo iyo xukuumaddiisa ka rabto in la fuliyo heshiisyo hore loo galay oo qarsoon se la gu sheegay in amniga mandaqadda ay ku lug leeyihiin. Heshiisyadaa war badan iyo wacaal midna hore loo ga ma soosaarin, waxase la ga warhayaa in ay saddex geesood ahaayeen. Halkaa shaki badan oo siyaasi ah ayaa ku jira. Anigu shakhsiyan dhanka aan u la kacayaa waa in Itoobiya ay Farmaajo ka xoqanayso in uu u hirgaliiyo dan siyaasi ah oo taariikh dhaqaale, mid amni iyo mid siyaasadeed lug ku leh.

1. In si farsamo ah loo galo si loo hubiyo hawlaha Kenya iyo Soomaalida;

Tan macnaheedu waa in marka hore Kenya dawladnimadeedii iyo dal ahaanshiyaheedii la xaqiijiyey sida qoraalka magac bixintiisa (Kenya-Somali) ka muuqata, halka Soomaali macnaheedu ka noqonayo qoom dawlad la’aan dhaca oo abtirsi qaran aan weheshan.

1. In la wado horumarka dekedda wadaagga la gu yahay;

Dekedda wadaagga la gu yahay ee sida rasmiga ah loo ogyahay waa Berbera oo si saddex geesood ah saamiga maalgalinteeda iyo manfacashadeeda loo qaybsaday. Mashruuca Dekedda Berbera waxa loo kala leeyahay; DP World 51%, Somaliland 30%, Itoobiya 19%.

1. in la hubiyo xidhiidhka maamulka Somaliland in uu taageero nabadda mandaqadda”.

Tan turjumaaddeeda siyaasiga ahi waa ay iska caddahay oo muhmal badan ma leh; waana in Somaliland ay Itoobiya rabto in ay si gaar ah oo ka madaxbannaan sida uu Farmaajo rabo u la macaamili doont