Shir Deg Dega oo ay Maanta xili hore ay yesheen Gudida nabadgalayada iyo Illaalinta Amaanka Gobolka saaxil Ayaa saaka Lagu qabtay xafiiska badhasabka saaxil, Shirkan oo saxaaafadu Debad Joog ka Ahayd aya waxaa goob jog ka Ahaa taliyayaasha Ciidamada kala Duwan ee Gobolka saaxil iyo Xubnaha maamulka Gobolka iyo Degmada berbera, iyo waliba Maareeyaha Guud ee dekadaha Somaliland oo uu Whelinayay Agaasimaha Dp world ee dekada Berbera,
Sida Aanu Xogta ku Helnayna waxaa lakala qaatay Awaamiir Ada goo Dhanka Amanka Lagu Sii Xoojinayo Iyadoo Marka Horeba uu Adkaa Ilaalinta Amaanka Guud ee Gobolka saaxil,
Meelaha Lasii Xiijiyano Amankooda waxaa kamida Dekada berbera, haamaha Shidaalka iyo kaantaroolada oo baadhis balaadhan lagu samayn doono baaburta ka baxaysa berbera iyo Kuwa Soo galayaba,
Dabcana Waxaana Laga yaabaa Labac kaclaynta Amaanku in aay dabo socotaa Markii saaka Subaxii hore maamul Gobaleedka Butland ee dalka Soomaaliya magaalada Boosaaso Lagu Dilay Agaasimihii shirkada Dp World ee Dekada Boosaaso