Aduunka taariikh Ayuunbaa ka hadha, Raga Faro Ku Tiriska ah ee Kasii Nool Geesiyaashii dalkan Xoreeyay Ayaa waxay Marti qaad u Sameeyeen Halyay+ Geesi+ Deeqsi + Ganacsade+Mujaahid Idiris Cismaan oo ku Suntanaa Safiirkii SNM ee Dalka Kenya Waqtigii halgankiii Adkaa aay ku Jireen dadka Reer Somaliland sidii aay dalkooda ugu kicin lahaayeen taliyihii miltariga ahaa ee siyaad bare,
Idiris Cismaan Wuxuu ahaa Nin ganacsade ah oo Deganaa dalka Kenya khaasatan Nirobi waxaanu si aan gabasho lahayn uu gacan usiin jiray ururkii SNM , waxaanu ku caan baxay Deeqsinimo iyo Geesinimo waayo waxaa taariikhdu qortay in taliyihii Siyaad bare ka Codsaday Madxawaynihii Danial Arab Moy in uu Ninkaa usoo Mustaafuryi Soomaaliya si uu u Dilo waxaanu ku eedeeyay in uu yahay Cadowgiisa kowaad intaa kabacdi Madaxawynihii Kenya wuu xidhay ganacsdae Idiris waxaanu u Diyaariyay in uu u mustaafuriyo Xamar laakiin dedaal badan oo aay sameeyeen masuuliyiintii SNM iyo Mujtamacii Reer Kenya ee kasoo Jeeday Somaliland ayaa sababay in loo Mustaafiryo dalka Ehtiopia lagana dejiyo isgaoo katiinadaysan magaalada addis ababa taas usaamaxday in uu halaganka halkii kasii wado inakstoo wixii uu hanti lahaa iyo ganacsigiisiiba la baabi,iayay oo dawladiikenya ee xiligaa talinaysay aay albaababda isugu dhufatay,
Idaacada BBC ,da Ayaa La Sheegay in aay siwayn u qaadaa dhigi jirtay maalmihii adkaa ee uu xabsiga ku jiray ganacsade aIdiris taasina ay ka qaybqaadatay in caalamku ku baraarugo tacadiyada insaanka ka baxsan ee uu ku kacayay taliyihii miltariga ee ee siyaad bare
Nasiib wanaag Maanta Illahay Ayaa Nolo Kusoo simay dalkiisii oo Xora laakiin waxaa la Is waydiinayaa Yaa Abaalkiisa u Og oo Gudi kara ,ALLAAH,
Diyaariye wariye Yaasiin Jaamac Cali