Gudoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Cali jaamac Ibraahin Baqdaadi ayaa kormeer maamul ku yimid berbera waxaaanu kulamo la yeeshy Masuuliyiinta baanka dhexe ee berbera,
Gudoomiye Baqdaadi ayaa ku wargaliaya shaqaalaha bangiga berbera in isbedel shaqada la xidhiidha oo dhanka tiknoolijiyada casriga ah lagsuu kordhin doono xirfada shaqo ee bangiga,
sidoooo kalena intuu ku guda jiray kormeerkiisa wuxuu sheegay in dayactir baladhan aay ku samayndoonaan bangiyada Somaliland qaarkood oo kan beriberi ugu horeeyo sababtoo ah ayuu yidhi bangiga berbera mudo dheer wax dayac tir ah laguma samayn
Gudoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland ayaa booqasahadiisan waxaa ku wehelinaya saraakiil sare oo baananka ah kormeerkana a waxaay ku tagi doonaan bangiyada gobolada bari ee soomaaliland halka uu meelaha qaarkoodna uu ka dhgaxa dhigi doono bangiyo cusub,
Hadaba intii xilkan uu ahayay gudoomiyaha bangiga dhexe ee Somaliland cali jaamac ibraahin Baqdaadi dadaal badan oo uu ku bixiyay dibu habaynta bangiyada Somaliland wuxuu ku guulaystay xakamayanta sarifkii lacagta oo meel fadhiistay inkastoo caqabado badani kazoo waajaheen waayo dhaqdhaqaaqa lacagta iyo isku bedelkoodawaxaa gacanta ku haya ganacsato waawayn oo sariflyaal ah Dabcana waxaa Meesha ka Baxday Lacagtii Lasoo daabici Jiray oo Keeni Jirtay Sixir Bararka,