Maalqabeenkii Reer tanzania oo Toban Casho kadib la Hellay

0

Waxaa gurigiisa si nabadoon dib ugu soo laabtay maalqabeen reer Tanzania ah oo muddo tobban maalmood ah lagu afduubtay magaalada Dar Es Salaam ee dalkaasi.

Gancsadahan oo lagu magacaabo Maxamed Dewji ayaa subaaxnimadii saaka lagu tuuray garoon kubadda lagu ciyaaro oo ku yaallo Dar es Salaam.

Qoyska iyo shacabka Tanzania ayaa ka walacsanaa maqnaanshaha Maxamed Dewji ah oo ah qof dhalinyaro oo dalkaasi ugu taajirsan.

Qoraal barta Twitter-ka ay soo geliyeen qoyskiisa ayuu Dewji wuxuu mahadcelin u jeediyay booliska Tanzania iyo dadka ka shaqeeyay sii dayntiisa.

Dhanka kale, taliyaha ciidammada booliska magaalada Dar es Salaam Lazaro Mambosasa wuxuu sheegay in xaaladda caafimaad ee ganacsadaha ay wanaagsantahay isla markaasna 11 maalmood afduub loo haystay.

Ma cadda in lacag madax furasho ah lagu soo daayay Maxamed Dweji balse qoyska waxay horraan shaaca ka qaadeen inay 450,000 doolar ay siin doonaan cid kasta oo soo hesha halka lagu haysto wiilkooda.

Maalmihii lasoo dhaafay dalka Tanzania waxaa kusoo batay wararka ah in dad la afduubtay ama la waayay, waxaana kamid ah maqnaanshaha weriye maxalli ah oo lagu magacaabo Azory Gwanda tan iyo dabayaaqadii sannadkii tagey iyo sidoo kale Ben Saanane oo isagana ah xubin sare oo ka tirsan mucaaradka dalkaasi.