Ciidamo Ka Gadoodsan Mushahar La’aan Oo Xidhay Wadada Tagta Madaxtooyadda Garowe

0

Ciidanka madaxtooyada  maamul goboleedka Puntland oo ka gadooday mushahar la’aan ayaa saaka xidhay wadada laamiga ah ee tagta dhinaca wasaaradaha iyo xarunta madaxtooyada Garowe, sida ay ku warantay universaltv.

Dadweynaha magaalada caasimadda ah ee Garowe ayaa ku waaberiistay ciidan hubaysan oo gaadiidka celinaya kuna amraya in aysan isticmaali karin laamiga u baxa dhinaca wasaaradaha iyo madaxtooyada.

Ciidamadan ayaa ka cabanaya Mushahar in aanan la siinin todobo bilood.

Madaxda Ciidamada ayaanan wali arrintaan ka hadlin, maadaama Mushaar aysan u haynin ciidanka islamarkaana muddo ay ku maawelinayeen in la heli doono Mushaarka.

Inta badan Ciidamada Puntland, ayaa ka gadooda Mushaaraadkii ciidanka oo

aanan la siinin muddo, taasi oo keenta inay xirtaan wadooyinka qaar ee Magaalooyinka waaweyn.