Ergada Soomaaliya u fadhida Qaramada Midoobay ayaa qoraal ay soo saareen walaac kaga muujiyey in Markab siday 200,000 oo kiish oo dhuxul ah, kana soo shiraacday deked ku taalla koofurta Soomaaliya, uu ku xirtay marsada Umm Qasri ee dalka Ciraaq.
Qoraalka ayey ergada oo fadhigoodu yahay New York ku cambaareeyeen dhinacyada ku lugta leh in si qarsoodi ah lagu qaado dhuxushga.
“Dhuxusha sida qarsoodiga ah lagu dhoofinayo waxay dhaawacaysaa amniga iyo deganaanshaha Soomaaliya, ayadoo dakhliga ka soo xarooda dhoofinta dhuxusha sharci darrada ah uu yahay isha uu dhaqaalaha ugu badan ka soo galo ururrada argagixisada ah ee Al Shabaab iyo Al Qaacida” ayaa lagu yiri qoraalka.
Markabka ayaa la sheegay in uu been abuur ku sameeyey dokumentiga muujinaya halka laga soo raray shixnadda uu sido, iyadoo laga dhigay inuu ka yimid Ghana.
“Xukuumadda federaalka ee Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa xukuumadda Ciraaq in ay dedejiso baaritaannada, ayna ku dhakhsato sidii tallaabo looga qaadi lahaa joojinta in ruqsad kale oo dheeraad ah la siiyo markabkaas” ayaa lagu yiri qoraalka.
Soomaliya waxay kaloo ugu baaqday dalalka caalamka in ay gacan ka siiyaan sidii looga hortagi lahaa dhuxusha sida qarsoodiga ah looga dhoofiyo Soomaaliya.