Sanadkan Horaantiisii Ayay ahayad markii dalka la Keenay Shidaal Xun oo xabagleh Kaas oo Dhaawacyo iyo Khasaare badan u gaystay baabuurlayda wadata baabuurta yar yare e Batroolka ah,
Hadaba Khatarrtii Shidaalka Xun oo wali Kasii Guuxaysa darwalada Baabuurta Ayaa Xiligan waxaa walaac ka Jiraa in Shidaalkaasi Mar labaad Debada Ugasoo baxo Haamaha Shidaalka Berbera,
Illo Xog Ogaala Ayaa sheegaya in Shidaalkaasi oo Mudaba Ku xayirnaa haamaha Shidaalka Berbera in Maamlimihii u danbeeyay qaybo kamida oo Lagu Badhxay Shidaal Nadiifa Laga soo iibiyay kaalmaha shidaalka ee wadanka qaarkood
Mid kamida darawalada baaburrta yar yar o Magciisa la Yidhaa Cabdi cabdilaahi Ayaa warbaahinta u Sheegay in gaadhigiisii ka hashkadeeyay Shidaal xuna Laga Iibiyay, Inakstoo Aanu carabka Ku Dhufan kaalinta ka Iibisay.
Hadaba Darwalada Baabuurta yar ayr Ayaa ka Baqo qaba in Shidaalkaasi Mar Labaad Si xawli ah suuqa usoo galo Wxaanay Ku sababaynayaan Maadaama Aay wali gacanta Kusii hayaan Maamulkii Shicibka ahaa kaydka haamaha shidaalka berbera.
Ilaaa Intii aay Soo baxday warqadii madawynuhuna dalka wax shidaal ahi ma Iman taasaana Keentay walaaca Xoogan ee Laga qabo in Shidaalkaa Xumaa baabuurta laga iibiyo, dabcana Sida aay shabkada wararka ee HWN Xog Ku Heshey Badhasaabka Gobolka saaxil Eng Axmed Cisman xasan ayaa u Yeedhay Maamulka Kumeel gaadhka ah ee Sii haya shaqada haamaha Shidaaalka Waxaanu Uga Digay in aan La Hungurayn Shidaalkii Xumaa ee dalka Laga Joojiyay isticmaalkiisa,
Si kastaba ha ahaato e Durba Mudo Labo Wiig Ku Dhow Ayaa kazoo wareegtay markii madaxwayne Biixi Digreeto uu Dib Ugu soo Celiyay haamaha shidaalka gacantii dawlada illaa iminkana lama oga sababta looga wareejin laayahay shirkadihii private ka ahaa ee maamulyay haamaha shidaalka,