Berbera, Baqdin laga qabo in Shidaalkii la xayiray ee xabagta Lahaa Dib Ugasoo baxo haamaha Shidaalka Berbera

0

Sanadkan Horaantiisii Ayay ahayad markii dalka la Keenay Shidaal Xun oo xabaglehย  Kaas oo Dhaawacyo iyo Khasaare badan u gaystay baabuurlayda wadata baabuurta yar yare e Batroolka ah,

Hadaba Khatarrtii Shidaalka Xun oo wali Kasii Guuxaysa darwalada Baabuurta Ayaa Xiligan waxaa walaacย ย  ka Jiraa in Shidaalkaasi Mar labaadย  Debada Ugasoo baxo Haamaha Shidaalka Berbera,

Illo Xog Ogaala Ayaa sheegaya in Shidaalkaasi oo Mudabaย  Ku xayirnaa haamaha Shidaalka Berberaย  in Maamlimihii u danbeeyayย  qaybo kamida oo Lagu Badhxay Shidaal Nadiifa Laga soo iibiyay kaalmaha shidaalka ee wadanka qaarkood

Mid kamida darawalada baaburrta yar yar o Magciisa la Yidhaa Cabdi cabdilaahi Ayaa warbaahinta u Sheegay in gaadhigiisiiย  ka hashkadeeyay ย ย Shidaal xuna Laga Iibiyay, Inakstoo Aanu carabka Ku Dhufan kaalinta ka Iibisay.

Hadabaย  Darwalada Baabuurta yar ayr Ayaa ka Baqo qabaย  in Shidaalkaasi Mar Labaad Si xawli ah ย suuqa usoo galo Wxaanay Ku sababaynayaanย  Maadaama Aay wali gacanta Kusii hayaanย  Maamulkii Shicibka ahaaย  ย ย kaydka haamaha shidaalka berbera.

Ilaaa Intii aay Soo baxday warqadii madawynuhunaย  dalka wax shidaal ahi ma Iman taasaana Keentay walaaca Xoogan ee Laga qabo in Shidaalkaa Xumaa baabuurta laga iibiyo, dabcanaย  Sida aay shabkada wararka ee HWNย  Xog Ku Heshey Badhasaabka Gobolka saaxil Eng Axmed Cisman xasan ayaa u Yeedhay Maamulka Kumeel gaadhka ah ee Sii haya shaqada haamaha Shidaaalka Waxaanu Uga Digay in aan La Hungurayn Shidaalkii Xumaa ee dalka Laga Joojiyay isticmaalkiisa,

Si kastaba ha ahaato e Durba Mudo Labo Wiig Ku Dhow Ayaa kazoo wareegtay markii madaxwayne Biixiย  Digreetoย  uu Dib Ugu soo Celiyayย  haamaha shidaalka gacantii dawlada illaa iminkanaย  lama oga sababtaย  looga wareejin laayahay shirkadihiiย  private ka ahaa ee maamulyayย  haamaha shidaalka,