Deg Deg, Xisaabiyihii Guud ee Shirkada Dp world Dekada Berbera oo Is Casilay,Maxaase sababay,

0

Deg Deg Xisaabiyihii Guud ee Shirkada Dp World Dekada Berbera oo Xogo rasmiyii Sheegeen in uu Xilkii Iska Casilay, Xisaabiye Iimaan Yuusuf Iimaan ayaa Xisaabiye ka Ahaa Dekada Berbera mudo ku Siman sanad iyo badh waxaana wararku Sheegayaan in uu Saluugay Shaqada Xisaabadka ee Shirkada Dp,World ee gacanta ku haysa Dekada Berbera.

waxaana wararku Intaa Ku darayaan in  uu Xilkii Kusii Wareejiyay Xisaabiye Ku Xigeenkiisii oo ah Nin u dhashay dalka Senegal.

Xisaabiye Iimaan Yuusuf Iimaan oo ah Muwadin Reer Somaliland ah aqoon sare na leh Xisaabaadka iyo Maamulka wuxuu Shahaadada Heerka koowada ka Qaatay Dalka England Jamacadda Middlesex University Shahadada Masterkna waxaa ku Qaatay dalka United State Of American Bowling

Green State University Takhasuskiisuna waxaa Weeye Baadhsita Xisaabadka iyo Maamulka,(Certified Public Accountant Satate Of Ohio) Waxaanu ka soo shaqayay Dalalka USA iyo United Emirates ,iyo dalalkale oo caalmaka ku yaala.

Hadaba Illaa Iminka waxaa la Ogyahay uun in Xisaabiye Iimaan Yuusuf iimaan uu Xikaasi Iska casilay Shirkada Dp World na aay ka Aqbashay is Casilaadiisa oo ahayd mid kadisa,

Illo wareedyo kaelana waxay Sheegeen in Mudadii u danbaysay aay Isku Dhacsanaayeen Mareeyaha Shirkada Dp world ee Dekada Berbera Superga, waxaana  Xogo wareedyadu intaa ku dareen in Xisaabiye iimaan uu Yahay Nin Ku Ad Adag sharciyada maamulka Xisaabaadka Balse uu  Ka Biyo Diiday gacan Dhaaf kaga Timid Masuuliyiinta Shirkada, Hadhwanaag News Berbera

Yassin jama jama cali