Deg Deg, Siyaasiga cabdilaahi jawaan oo Si Kulul Ula hadlay Golaha Guurtida Baaqna u Diray in aay baneeyaan,

0

Siyaasi Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan) oo ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland ahaana Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa si adag u naqdiyey doorka wakhtigan ee Golaha Guurtida Somaliland oo ah aqalka sare ee Baarlamanka dalka kaasi oo u muuqda mid fadhiid noqday oo hawl-gab ah kana gaabiyey hawlihii nabadaynta ee dalka.Siyaasi Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan) oo waraysi siiyay Telefishanka SAAB ayaa sheegay in dhibaatada maanta haysata Golihii Guurtida Somaliland tahay in odayaashii wax-garadka ahaa ee sama-taliska ahaa ee Golahaasi ka mid ahaa ay dhammaadeen aqalkaasina ay isugu soo hadheen odayaal daalay oo ciiraya iyo dhallinyaroku timid nidaam xun oo dhaqan kuwaasi oo aan waxba ka qaban Karin dhibaatada soo noqnoqota.

Siyaasi Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan) oo ka hadlayay xaaladda Golaha Guurtida iyo fadhiidnimadiisa ayaa waxa uu yidhi: “Anigu intan dambe Guurtida aadbaan u dhaliilaa. Guurtida ayaa wakhtigii hore shaqayn jirtay balse maanta Guurtidii waa Naafo (Disable). Waliba naafo maahee waa awood-gab runta marka aan sheegno. Odayaashii talin jiray ee waxan xakamayn jiray way dhammaadeen. Nidaam xun oo dhaxal ah oo niman dhallinyaro u badan iyo inta joogta oo ay oday oday ciiraya oo aan waxba qaban karayn ayaa meeshii isugu timid. Guurtidu odayaashii hore xilka ay lahaayeen waxa ay ahayd in ay halkii wax ka dhacaanba markaasiba tagaan. Iyaga ayaa xakamayn jiray oo qaban jiray isla marka ay wax dhacaanba. Waxaad arkaysaa Guurtidii oo maanta meesha ka maqan oo Bilo dhacayaan wixii oo Wasiirro dhex yaacayaan meeshii”.

 

Siyaasi Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan)  ayaa sheegay in dhibaatada taalla Ceel-Afweyn wax laga qaban karayo haddii sideeda loo wajaho isaga oo sheegay in ay mudan tahay oo ay lagama maarmaan tahay in xaqa lagu addimo oo labadii is qabtaba mid baa gar darane runta la sheego oo ciddii gardarrada wadda loo sheego oo la qabto si xal loo gaadho.