Marwo Edna Aadan Oo Faah Faahisay Kulan Ay Ku Sharaxday Qadiyada Somaliland Oo Ay La Qaadatay Xildhibaanada Baarlamaanka Sweden

0

Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo hore u soo noqotay wasiirka arimaha dibada somaliland ayaa faah faahin ka bixisay kulan muhiim ah oo ay la qaadatay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dalka Sweden.

Marwo Edna Aadan waxay sheegtay in xildhibaanada ka tirsan baarlamaanka Sweden ay u sharaxday qadiyada madax banaanida somaliland iyo taariikhaha u gaarka ah ee ay leedahay.

Marwo Edna Aadan oo ugu horayn ka hadlaysa kulanka ay la qaadatay baarlamaanka dalka Sweden ayaa waxay tidhi “Waxaan aad ugu faraxsanahay fursada aan ka helay baarlamaanka dalka Sweden, 27-ka sanadood ee ay somaliland jirtay intoodii badnayd mar aan wasiir ahaa iyo mar kaleba qadiyada somalilandwaan u halgamayey waana markii ugu horaysay ee baarlamaan dawladi leedahay ay ii qaban qaabiyeen inaanu shir iskugu nimaadno taas oo fursad laysiiyey inaan qadiyada somaliland ka hadlo, waxaanay ahaayeen xildhibaano  iskugu jira xisbiyadooda oo rag iyo dumarba leh” ayey tidhi marwo Edna aadan oo la hadashay hctv.

Sidoo kale waxay ka soo bandhigtay waxyaabaha ay u sharaxday xildhibaanada ka tirsan baarlamaanka dalka Sweden waxaanay tidhi “Waxaanan fursad u helay inaan u sheego waxa ay somaliland tahay oo ay tahay ka dal ka da weyn soomaaliya, dal ka hor xoroobay soomaaliya inay tahay , dal dawladnimadiisu ay  ku timid sharci ay ka heleen dawlada Ingiriiska oo aanay marti uga ahayn soomaaliya oo gumaysi ku jirtay wakhtigii ay somaliland xornimada heshay, somaliland inay tahay dalka galiya ee geeska Afrika ee nabada ah ee aanay ka jirin dhibaatooyinka badan ee ka jira soomaaliya taas oo aan lahayn afduub, badhcad badeed iyo qaraxyo, waxaanan fursad u helay inaan ka dhaadhiciyo in somaliland ay xaq u leedahay aqoonsi buuxa.”