Gabadh naqshadeysa xijaabka oo xukun dheer lagu riday iyo sababta

0

Gabadh dharka naqshadaysa ,oo taariikh ka sameysay toddobaadkan bandhiga dharka ee lagu qabtay New York ,kana qeybgalisay bandhiga gabdho ku labisan xijaabka ayaa lagu xukumay 18 sano oo xarig ah ka dib markii lagu soo eedeeyey arrimo la xiriira been abuur.

Anniesa Hasibuan oo u dhalatay dalka Indonesia iyo seygeeda Andika Surachman, ayaa lagu helay dambi ah inay been abuur ka sameeyeen shirkaddooda diyaaradaha ee First Travel.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in ay lunsadeen lacag ka badan 60 milyan oo doolar oo loogu talagalay xujayda u safrayay sanadkan magaaladaa Barakeysan ee Meka.

Balse waxaa lagu soo eedeeyey inay lacagtaas lunsadeen ,safarkana uusan qabsoomin oo uu baaqday.

Hasibuan ayaa lagu sheegaa inay tahay gabadha ugu caansan ee dhanka naqshadayta dharka ay xirtan gabdhaha Muslimiinta ah.Dharkeeda ayaa lagu soo bandhigay munaasabado badan oo lagu qabtay London ,Istanbul iyo Cannes.