Boqor Buur Madoow oo Cisbitaalka hargaysa Lagu baadhay caafimaadkiisa Kadibna Dib Loogu Celiyay Jeelka hargaysa

0

):-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadoow oo ku jira xabsiga dhexe ee Hargeysa, ayaa la sheegay inay soo waajahday xaalad caafimaad darro.

Boqor Buurmadoow ayaa shalay laga soo saaray xabsiga, waxaana la keenay cisbitaalka guud ee Hargeysa oo ka dib markii caafimaadkiisa lagu eegay dib loogu celiyay xabsigii uu ku jiray. Xanuunada Dhiig-karka iyo macaanka oo uu Boqor Buurmadoow leeyahay ayaa la sheegay inuu dhiiguna kacay, macaankuna hoos u dhacay.

Boqor Buurmadoow ayay maxkamadda Hargeysa khamiistii ku xukuntay shan sannadood oo xadhig ah ka dib markii uu khudbad ka jeediyay munaasibad uu Puntland kaga qayb galay oo loo qabtay madaxdhaqameed la caleemo saaray.

sidoo kale gudoomiyaha xarunta xuquuqal iinsaanka somaliland Guuleed Axmed Jaamac ayaa shaaciyey in boqor Buurmadow ku dhex xanuusanayo jeelka, waxaan qoraal uu ku baahiyey bogiisa Facebook u dhignaa sidan “Boqor Cismaan aw Muxumed oo dhowaan 5 sanadood lagu xukumay oo xabsiga ku jira wuu xanuunsanayaa. Dawladda waxaan ka codsanayaa inay boqorka xorriyadiisa u soo celiso si uu heli karo daryeel caafimaad oo wax ka qaban kara xaaladiisa