Wasarada waxbrashada dalka Ruwanda oo samaysay Qorshe Kor Loogu Qaaday tayada Waxbarshada Dudsiyada dawladu gacanta Ku hayso, Somaliland,na kaga dayan Karto

0

Dawlada Dalka Rwanda ayaa samaysay qorshe aad u heer sareeya oo kor loogu qaadayo waxbarashada dugsiyada ay maamusho dawladu.

Dawlada dalka Rwanda oo maamusha 460 ka mid ah 1,575 oo ka furan wadanka, iyada oo dugsiyada ugu horeeya ee wadankaasi ay yihiin kuwo gaarka loo leeyahay ee ardayda lagu hayo(Boarding).

Dawlada Rwanda ayaa dugsiyada dawlada ku samaysay maal galin aad u balaadhan oo lagaga sameeyey dhinacyada xirfadaha macalimiinta, qalabka iyo adeegyada kale ay u baahnaayeen dugsiyadu, iyada oo cashuurna ku soo rogtay dakhliga soo gala macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo faa,iidada uu dugsigu sanadkiiba helo, halka kor loo qaadaywakhtiga ay waxbaranayaan ardayda dhigata dugsiyada dawladu.

Samuel Batamba oo madax ka ah College Nkunduburezi oo ku yaala degmada Gakenke ayaa sheegay in goobihii waxbarashada ee gaarka loo lahaa ay saamayn balaadhan ku yeelatay go’aamada ka soo baxaya dawlada Rwanda.

Samuel Batamba ayaa sheegay in goobta waxbarasho ee uu madaxda ka yahay ay markii hore haysay arday gaadhaysa 900 arday halka ay imika hayaan arday tiradoodu gaadhayso 80 arday oo kaliya, waxaanu xusay inay haatan ku jiraan hoos u dhac dhaqaale oo aad u balaadhan iyaga oo awood u yeelan waayey bixinta mushaharka macalimiinta, waxaanu tilmaamay inaanay damaanad qaadi Karin inuu waxbarashadu sii socon karto.