Madaxwayne Biixi Oo Ka Hadlay Raysalwasaaraha Cusub Ee Ethiopia

0

Madaxweynaha somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay hogaamiyaha cusub ee uu doortay xisbiga haya talada dalka Itoobiya ee EPRDF oo la rajaynayo inuu noqdo raysal wasaaraha dalkaasi.

Madaxweyne Muuse Biixi oo maanta ka hadlayey shir jaraa,id oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo hogaamiyaha cusub ee dalkaasi waxaanu yidhi “Itoobiya xisbigeeda talada haya ee EPRDF waxa uu doortay gudoomiye cusub Abiy Ahmed, waan ku hambalyeynaynaa gudoomiyahaas loo doortay waxaana la rajaynayaa inuu noqdo raysal wasaare waan ku bogaadinaynaa marka ay timaado.”

Madaxweyne Muuse Biixi oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay miisaanka dawlada Itoobiya ku leedahay geeska Afrika


waxaanu yidhi “Itoobiya waa dal weyn oo muhiim ah, waxa ku nool boqol milyan waana dal balaadhan , waxanu u rajaynaynaa in siyaasadooda loolanka ahi ku dhamaadaan nabad galyo, waxaanan u haynaa jaarnimo wanaagsan iyo qadarin, iyaga iyo Jabuuti, Soomaaliya iyo Yeman, mid walba diyaar ayaanu u nahay jaarnimo wanaagsan oo aanu la wadaagno.”