DAAWO, Soomali Xidhnaa 17 sano Oo Magdhow Afar Milyan oo Doolar ah la Siiyay ,Laakiin dalbaday Lacagtaa Intaa ka badan

0

Maxkamad ku taal magaalada Perugia ee wadanka Talyaaniga ayaa u xukuntay lacag gaaraysa afar milyan oo doolar oo magdhwo ah Xaashi Cumar Xasan oo ah nin Soomaali ah oo muddo 17 sano dalkaasi ugu xirnaa dambi aanu galin oo ah dil laba saxafi oo Talyaani ah loogu geystey magaalada Muqdishu sanadkii 1994-kii.

Xaashi Cumar ayaa bishii October ee sanadkii 2016-kii laga siidaayey xabsiga ka dib markii lagu waayey dambigii loo haystey, iyadoo la qiray in uu ahaa xabsi galin aan sharci ahyn, taasi oo keentay in maxkamaddu ku xukuntay dawladda Talyaaniga siiso 3, 0181000 (Sadex milyan boqol sideetan iyo kow kun) oo lacagta Euro-da una dhiganta afar milyan oo doolar.

Xaashi Cumar oo wareysi gaar ah BBC siiyey wuxuu sheegay in aanu qaadin lacagtaasi isla markaana uu xaq u leeyahay intaasi in ka badan.

Wariyaha BBC-da Mowliid Xaaji ayaa khadka telefoonka kula xiriiray.

HOOS KA DAAWO