Hargaysa, Biyo Guure News.com, Madaxwyanaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Ayaa la Filayaa In Maalinta Beri ah Uu u Amba Baxo dalka Imaaraadka carabta,
Safarkan Madaxawyne Biixi Ayaa Noqon Doona Kii Sadexaad Ee Uu dalka Debada Uga Dhoofo tan iyo Intii Loo Dhaariyay Madaxtininada
Booqashadan rasmiga Ah Ayaa Illo Xog Ogaali Ahi Sheegayaan Inay qaadan Doonto Todabaad, Waxaana La Filayaa In Uu Gali Doono Madaxawyne Biixi Wada Xaajood Adag oo Dhex Mari Doona Dawlada Imaaraadka ee Dhisanayasa saldhiga Milatari iyo Shirkada Carbeeed ee Dubai Ports, DPW,
Dabcana Madaxawyne Biixi Ayaa In badan La hadal hayay Xiligii Dawladii Siilaanyo Talinaysay In Uu ka Gows Adaygay Bixinta Saldhiga Milatari Raalina Aanu ka Ahayn Siday Wax u Dhaceen, Laakiin Maanta oo Uu Mindida daabkeeda hayo Ayaa la Eegi Doonaa Wuxuu Yeelo, In Uu tab iyo Xeeladba Wuxuu samayn karo Ku Buriyo Heshiiskaa gacan ku Rimiska Ahaa,
Wararka la Helayo Ayaa Tibaaxaya In Aay Dubai Ku Sugan Yihiin Wasiirkii Hore Ee Madaxtooyada Soamlailnd iyo Wasiiradii maaliyada Sam sam cabdi Aadan yo waliba safiirkii Somaliland U fadhiyay Imaaraadka Baashe cawil , Sadexdan Xubnood Ayaana ah Ubud Dhigii Kirayanta Dekada Berbera iyo Bixintii saldhiga Milatari Ee Sida Awooda Ah iyo Laaluushkii Xildhibaanada Baarlamaanka Looga Ansaxiyay , Lamana garan karo Saamaynta Aay Ku Yeelan karaan wadahadalada Dhexmari Doona Madaxawyne Biixi iyo Imaaraadka carabta,