Madaxwyanaha Somaliland  Muuse Biixi Cabdi Ayaa la Filayaa In Maalinta Beri ah Uu u Amba Baxo dalka Imaaraadka carabta,

0

Hargaysa, Biyo Guure News.com,  Madaxwyanaha Somaliland  Muuse Biixi Cabdi Ayaa la Filayaa In Maalinta Beri ah Uu u Amba Baxo dalka Imaaraadka carabta,

Safarkan Madaxawyne Biixi   Ayaa   Noqon Doona  Kii Sadexaad Ee Uu dalka Debada Uga Dhoofo tan iyo Intii  Loo Dhaariyay Madaxtininada

,

Booqashadan rasmiga Ah  Ayaa Illo Xog Ogaali Ahi Sheegayaan  Inay   qaadan Doonto   Todabaad, Waxaana La Filayaa In Uu  Gali Doono  Madaxawyne Biixi  Wada   Xaajood Adag  oo Dhex Mari Doona  Dawlada Imaaraadka ee Dhisanayasa  saldhiga Milatari  iyo Shirkada Carbeeed ee Dubai Ports, DPW,

Dabcana Madaxawyne Biixi Ayaa In badan La hadal hayay   Xiligii Dawladii Siilaanyo Talinaysay In Uu ka Gows Adaygay Bixinta  Saldhiga Milatari  Raalina Aanu ka Ahayn Siday Wax u Dhaceen, Laakiin Maanta oo Uu Mindida daabkeeda hayo Ayaa la Eegi Doonaa  Wuxuu Yeelo, In Uu tab iyo Xeeladba  Wuxuu samayn karo Ku Buriyo Heshiiskaa gacan ku Rimiska Ahaa,

Wararka la Helayo Ayaa Tibaaxaya In Aay  Dubai Ku Sugan Yihiin  Wasiirkii Hore Ee Madaxtooyada Soamlailnd  iyo Wasiiradii maaliyada  Sam sam cabdi Aadan yo waliba safiirkii Somaliland U fadhiyay Imaaraadka Baashe cawil , Sadexdan Xubnood Ayaana ah  Ubud Dhigii  Kirayanta Dekada Berbera iyo Bixintii saldhiga Milatari  Ee Sida Awooda Ah iyo Laaluushkii Xildhibaanada  Baarlamaanka  Looga Ansaxiyay , Lamana garan karo Saamaynta Aay Ku Yeelan karaan  wadahadalada   Dhexmari Doona Madaxawyne Biixi iyo Imaaraadka carabta,