Dawalada Degaanka Soomaaalida Oo xabsiga Kasii Daayay Illaa 66 Qof Oo Ku Jiray xabsiyada dawlada Degaankaasi,
Madaxawynaha Dawlad Gobaleedka Soomaalida Oo In Badan Indhaha Ka Qarsanaayay
Maxaabistaan Ayaa Cafiskan U Fidiyay, 66 daa Qof,
Maxaabiistan Ayaa Ku Eedaysnaa In Aay halis Ku Ahaayeen Amniga Dalka,
Maxaabistani Waxay Ku Xukunaayeen Xadhig Gaadhaya 3 Sano Illaa 20 Sano, Wariyaha BBC da Ee Deganka Dawlada Gobaleedka Soomaalida Ethiopia Ayaana Sheegay In Aay Xidhnaayeen Dadkani In Ku Dhow Sano
Maxaabistan Oo Tiradoodu Dhamayd 66 Qof oo 60 Kamid Ahi Ahaayeen Macalimiin Dhiga Quraanka , waxaanay Haysteen Malcaaabado Lagu Barto Qur,Aanka Ku kala Yaalay Degaanka Soomaalida
Sii Daynta Maxaabiixtan Waxaa dadaal ka galay Sheekha Tabliiqa Ah Ee Reer Jabuuti Sheekh Ismaaciil Maxamuud Cigaal iyo Sheekh Xuseen Cali Oo Reer Jabuuti Ahi Aay Madxawyne ha Degaanka Soomaalida Aay Ugu Tageen Ergo Kadibna Uu Ka Aqbalay Codsigoodii Ahaa In Lasii Daayo Macalimiintaa Malcaamadah Quraanka Haystay,