Xisbiga UCID Oo Ka Dareen Celiyay Baaqii Xukuumaddu Mucaaridka Kaga Dalbatay Inay Kala Shaqeeyaan Qabsoomida Doorashada

0

Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Muj. Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray),ayaa ka dareen-celiyay hadal Maalintii shalay ka soo yeedhay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse),kaas oo Xisbiyadda Mucaaradka ugu baaqay inay Xukuumadda kala shaqeeyaan sidii ay Doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Wakiiladdu Dalka ugu qabsoomi lahaayeen,Ka did markii ay Maxkamadda sare ee Somaliland soo af-jartay Murankii ka taagnaa Mudo-kordhintii ay Xukuumadda iyo Wakiiladda u sameeyeen.

Gudoomiye xigeenka 3aad ee xisbiga Ucid Cali Guray wuxuu sheegay inay Xukuumaddu rabto inay Wajigoodda Beesha Caalamka u adeegsato,waxaana uu intaas raaciyay in aanay Xukuumaddu waji ku lahayn Beesha Caalamka.

“Hadii wajigoodi gubtay oo cid wax ka dhegaysanaysaa aanay jirin

wejigood gubay ma anagaa weji u noqon. Waa run cid ay wax u sheegi karaan iska daaye cid ay is hortaagi karaan ma jirto”. Ayuu yidhi Cali-guray,waxaana uu intaas raaciyay in talaabadaasi noqon doonto tii ay Isaga iyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID ku kala tagi lahaayeen haddii sida uu sheegay uu faraha la galo Gudoomiyihu. “Waxan ka baqayaa Sheekadani inay noqoto tii Gudoomiye Faysal iyo Caligurey ay ku kala tegayeen. Waayo aniga Xisbiyada cid iskuma qabsano. Hadii aan dareemo in yar oo debcin ah oo aanan ku qancsanayn mooyi go,aanka aan qaadan doono”. Ayuu hadalkiisa kusoo xidhay Cali-guray.