Xiisada u dhaxeysa madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo bilyaneerka teknolojiyadda ee Elon Musk ayaa gaartay heerkii ugu xumaa, waxaana soo afjarmay is-xulufeysigii u dhaxeeyay hoggaamiyaha ugu awoodda badan caalamka iyo ninka ugu taajirsan dunida.
In ka badan hal usbuuc, Musk waxa uu qashinka ku darayay sharciyada uu saxiixay Trump gaar ahaan hindisa-sharciyeeda- kharashaadka .
Maxaa dhacaya marka qofka ugu taajirsan iyo siyaasiga ugu awoodda badan ay isku dhacaan oo ay goradda isla galaan?
Trump wuxuu u hanjabay Musk ganacsigiisa baaxadda leh iyo qandaraasyada uu la leeyahay dawladda federaalka, kaas oo ah halbowlaha nolosha barnaamijkiisa hawada sare ee SpaceX.”Habka ugu fudud ee aan ku badbaadin karno lacagta miisaaniyadeena, balaayiin iyo balaayiinka doolar dhan, waa in aan joojino kabka iyo qandaraasyada dawladeed ee Elon,” Trump ayaa qoraalkaas soo dhigay bartiisa bulshada.