Siyaasiga Reer saaxil cabadlale maxamed carab miisaan intee leeg ayuu ku leeyahay xisbiga wadani

0

Mayorkii hore ee Berbera Abadale Mahomaed Arab waa siyaasiga ugu tunka wayn siyaasyiinta Reer Saxil ee ku jira Xisbiga Wadani waa nin ay glass mate ahayeen musharax ciro saxib dhowna ay ahaayen mudo dheer  ,

Siyaasi Abadale maha Nin guur guura  oo hadal badan waxanu ku adkaysta mabda,a  naftiisu aaminsantahay,

labo jeer ayuu mayor ka noqday degmada Berbera oo gacanta loo taagay, dhanka kalena waa mayorkii ugu horeeyay ee ku yimaada doorasho,

waxyabaha uu ku suntan yahay ee Berbera u yaala waxaa ugu wayn Garoonka kubada cagta ee Cabadale stadiom, Docda kalena wuxuu fure u ahaa  wadooyinka laga hirgaliyaya berbera iyo dayactirka wadooyinkii hore waxaanu xiligaa sameeyay hay,ada wadooyinka ee degmada Berbera isagoo soo iibsaday qalabka lagu dhiso wadooyinka waxa kaliya ee uu debada kasoo qaatana wuxuu ahaa adaamurka,, waana dariiqa ay kaga daydeen mayoradii kale ee xiligiisii talada uhayay magalooyinka wawayn,

Aan usoo noqono sababta aynu qalinka ugu qaadanay Ex mayor siyaasi cabdale maxamed carab waa xaalada siyasadeed  ee xiligan aloosan salkana ku haysa  doorshooyinka fooda ianagusoo haya  iyo xalada gobolka uu siyasiga uga yahay somaliland ee Saaxil,

Horta siyaasi cabadale maxamed Carab waa dhamastii Berbera [Saaxil] hadii xisbiga wadani uu ku guulaysto doorashadana kursiga ugu mudan Reer saaxil isagaa fuulaya waa aragtida rag badan oo an wax ka waydiiyay qaban  waxa laga fili karo hogaanka mushraxa madaxa wayne xisbiga wadani Cabdiraxman ciro  haduu hanto kursiga madaxtooyada jamhuuriyada somaliland, 

sida la sheegayna lagama yabo in arinka saaxil cid kale uu wax ka waydiiyo cabdiraxmaan Ciro,

Hadaba Siyaasi cabdale dhaqdgaqaaqiisa gudaha Rer saaxil dad badan aya qaba in uu gaabinayo socodkiisu iyo ka dhex muuqashada arimaha dadka reer saaxil kawada hadlan sida tabasho ama diidmo arimaha qaarkood oo lasoo gudboonaadaba,

Dabcana waxa la eegi doona malmaha soo socda halka uu ka bilaabo ololaha cod uraadinta xisbigiisa iyo isku ururinta dadka rer saaxil ee ku dhega barjoobay hadlada dalkan jah wareeriyay,

Biyo guure News Berbera