Faahfaahin ka soo baxaysa diyaarad uu la socday madaxweyne ku xigeenka Malawi oo la waayay

0

Diyaarad uu la socday madaxweyne ku xigeenka Malawi, Saulos Chilima iyo sagaal qof oo kale ayaa la la’yahay, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.

Diyaaradda Ciidanka Difaaca Malawi ayaa “kabaxday raadaarka” ka dib markii ay ka tagtay caasimadda Lilongwe, subaxnimadii saaka oo Isniin ahayd.

Madaxweynaha ayaa amar ku bixiyay in baaritaan iyo samatabbixin la sameeyo kadib markii saraakiisha duulista ay xiriir la sameyn waayeen diyaaradaasi.

Waxay ahayd inay ku degto madaarka caalamiga ah ee Mzuzu, ee waqooyiga dalka, saaka barqadii.

Ka dib markii uu u sheegay shilka Taliyaha Ciidanka Difaaca, Madaxweynaha Malawi Lazarus Chakwera ayaa baajiyay duulimaad u uku tagi lahaa caawa Bahamas, oo horey loo qorsheeyay.

“Dadweynaha waa lala socodsiin doonaa wixii ku soo kordha xaaladda marka xaqiiqooyinka la helo,” xafiiska madaxweynaha ayaa sidaas yiri.

Sababta loo waayay diyaaradda ayaan ilaa hadda la garanayn, sida uu u sheegay General Valentino Phiri Mr Chakwera. Moses Kunkuyu, oo ah wasiirka warfaafinta Malawi, ayaa BBC-da u sheegay in dadaallada lagu baadi-goobayo diyaaradda ay yihiin kuwa “xoog leh oo socda”.

Mr Chilima ayaa u socday sidii uu dowladda ugu matali lahaa aaska wasiir oo geeriyooday saddex maalmood ka hor.

Mr Kunkuyu ayaa yiri: “Garoonka uu ka soo degi lahaa, oo ku yaalla waqooyiga Mzuzu, ayaa ahaa kan ugu dhow halka uu aaska ka dhacayo.”

Sanadkii 2022, Dr Chilima waa la xiray waxaana lagu soo oogay eedeymo ah inuu aqbalay lacag uu ugu beddelayo bixinta qandaraasyada dowladda.

Bishii hore, maxkamaddu waxay laashay eedeymihii, iyadoo aan la sheegin sababaha go’aankan.

Kumaa ahaa Saulos Chilima?

Kahor xirfadiisa siyaasadeed, Dr Chilima waxa uu door hoggaamineed oo muhiim ah ka qabtay shirkado caalami ah sida Unilever iyo Coca Cola.

Da’diisu waa 51 jir

Waa xaasle waxaan au joogta laba carruur ah,

Waxa uu shahaadada PhD ku qaatay maamulka iyo maareynta.

Dadweynaha dalka Malawi ayaa aad ugu dhag taagaya wararka ku saabsan diyaaradda madaxweyne ku xigeenka oo baadigoobkeedu uu socdo.