Dacwad an nooceedu hore Afrika uga dhicin oo ka bilaabantay Kenya

0

Warbaahinta Kenya ayaa aad u hadal haysa kaddib markii nin Kenyaan ahi, uu maxkamad tegay isaga oo ka cabanaya in la caayey iyada oo caydaasi tahay in lagu tilmaamay in uu leeyahay ‘bidaar’.

Ninkan ayaa ku doodaya in tallaabo laga qaado qofka uu soo dacweeyey maaddaama la siiyey tilmaantan oo aanu raalli ka ahayn.

Isaga oo sheegay in arrintani ay tahay ‘xadgudub’.

Dhacdadan ayaa ah dhacdo ku cusub guud ahaan dhanka sharciga iyo maxkamadaha Kenya.

Balse maxkamadaha kale adduunka ma aha wax ku cusub iyada oo hore loo arkay rag ka cabanaya in lagu tilmaamay in ay ‘bidaaran’ yihiin.

“Waa kiis cusub oo hadalhayntisa dhaliyey marka loo eego Kenya, waxayna u eeg tahay in wixii hadda ka danbeeya inay ku qasbi doonto dad badan in ay afkooda qabsadaan, maadaama dadkeenna Soomaalida ah aan leennahay rag badan oo bidaar leh laguna caayo “ ayuu BBC-da u sheegay sharciyaqaan Suleymaan Bashiir Saalax

Falanqeeyeyaasha dhanka sharciga ayaa saadaalinaya in magdhaw uu heli karo ninka cabashada kiiskaas soo gudbiyey.

Sannadkii hore ayay ahayd markii maxkamad ku taal dalka Britain ay xukuntay in qof loogu yeedhi jirey in uu bidaar leeyahay ay tahay nooc ka mid ah xadgudubyada laga galo aadamaha.

Timo daadashadan loo yaqaan bidaarta ayaa ku badan dhanka ragga marka loo eego dumarka.

Garsoore ka mid ah saddexdii garsoore ee waagaas kiiskaas go’aamiyay ayaa tilmaamay in ninka loogu yeero bidaartiisa iyada, si gaar ah xilliyada goobta shaqada ay tahay nooc ka mid ah takoorid la mid ah ka faallooda xajmiga naaska ama naasaha haweeneyda.

“Waxyaalaha lagu qoslo waxaa kamid ah saddexda garsoore ee Ingiriiska ee go’aankaas ay ahaayeen rag bidaar leh, arrintaad oo dadka baraha bulshada aad u falanqeeyeen,” ayuu BBC-da u sheegay Suleymaan Bashiir Saalax

Sheekada kiiska London ayaa ku dhacday Finn, waxa uu qaybta waxsoosaarka ka shaqaynayey 24 sano, markii shaqada laga eryay bishii May ee sannadkii 2021 waxa uu ku tilmaamay kiis faraxumayn ah.

Finn wuxuu sheeganayaa in mid ka mid ah kormeerayaashaqaybta wax soosaarka , Jamie King, ‘uu ka gudbay khadka’ isagoo faallooyin aan loo baahnayn ka sameeyay muuqaalkiisa.

King ayaa la sheegay in uu Finn ugu yeedhay ‘bidaar’ intii ay socotay shaqo ay wada qabanayeen, taas oo keentay in koronto yaqaankii uu shaqadiisa waayey.

Finn ayaa dacwadda horgeeyey maxkamadda oo markaas go’aamiyay in hadalka bidaarta ay dhab ahaantii tahay aflagaado ama nooc kadeed.

Daaweynta bidaarta ayaa ah dhibaato ay muddo qarniyo ah la daalaa dhacayeen saynisyahannada, ragga ayaana xal u raadinayay arrintan.

Xitaa khabiirka caanka ah ee Giriigga u dhashay, Hippocrates, oo lagu magacaabo ‘aabbaha sayniska casriga ah’ maaddaama uu xilligiisii baaritaan ku sameeyay waxyaabo badan oo sayniska la xiriira, ayaa sidoo kale raaidn jiray qaabab looga hortagi karo bidaarta.

Inkastoo aan ognahay in bidaarta ay sababaan waxyaabo badan sida hidda-sidaheenna iyo cimilada, haddana waxaa weli jira afkaar ay dadku ka qabaan waxa sababa bidaarta.

“Bidaartu maaha wax xun,” ayuu yiri Dr. Carolyn Goh, oo ku takhasustay timaha waxna ka dhigta Jaamacadda California, Berkeley.

Marka xilligan la eego, waxaa jira ilaa saddex xal oo lagula dagaallami karo bidaarta.

Sababta keenta bidaarta ayaa kala duwanaan karta, mana jirto xal 100% ah oo loo hayo ka hortagga bidaarta gebi ahanaba, balse qaababkaas ayaa yareeya timo daadashada. Tan micnaheedu waa in timahaagu ay dib u soo dhalan karaan.

Saddexdan xal ayaa kala ah:

 

Minoxidil: Waa walax kiimiko ka sameysan oo sida kareen camal ah waxaana la mariyaa madaxa. Baaritaan aan saynis ahayn oo la sameeyay ayaa sidoo kale muujinaya in cunitaanka kaniiniga minoxidil uu caawiyo dadka bidaarta la dhibban. Lamase oggolaan in kaniini ahaan loo cuno.

Fina Steroid: Waa daawo la cuno, Dawadan ayaa markii hore loo isticmaali jiray in lagula tacaalo xanuunnada kaadi-heysta, balse haaran waxaa lagula tacaalaa daadashada timada, marka inyar laga cuno.

Timo-beerashada: Hannaankan, waa tinta oo laga soo qaado madaxa meelaha timaha leh kaddibna waxaa lagu beeraa meelaha bannaan. Sanadihii la soo dhaafay, horumar ayaa laga gaaray arrintan.