Tahriibayaal Soomaali u badan oo laga soo badbaadiyay koox ku heysatay Libya

0

Ilaa 200 muhaajiriin ah oo ay ku jiraan haween iyo carruur ayaa laga sii daayay magaalo ku taalla koofur-bari Libya oo lagu heystay, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada dalkaas.

Walid Alorafi, oo ah afhayeen u hadlay Waaxda Baaritaanka Dembiyada (CID) ayaa isagoo ku sugan Benghazi sheegay in sida ay kasoo xigteen qaar ka mid ah muhaajiriinta, qafaal ahaan loo heystay muddo toddoba bilood ah ayna “doonayeen inay aadaan Yurub.”

Muhaajiriintan ayaa kasoo jeeda dalal dhowr ah oo ku yaalla kuwa ka hooseeya Saxaraha Afrika, balse badankood waxay kasoo jeedaan Soomaaliya, sida uu sheegay Alorafi.”Waxaanu xalay weerar ku qaadnay meel qarsoodi ah oo ku taalla tuulada Kufra waxaana aragnay muhaajiriin ay ku jiraan haween, carruur, iyo rag da’ ah oo ay ka muuqdeen calaamado jirdil iyo rasaas,” ayuu yiri Alorafi.

Muhaajiriinta ayaa dhammaantood loo gacan geliyay hay’adda ka hortagga tahriibka sharcidarrada ah si loo marsiiyo hannaanka,” ayuu yiri Alorafi.

CID ayaa baraha bulshada soo dhigtay muuqaalka ciidamadooda oo burburinaya guriga lagu hayay muhaajiriinta. Muuqaalka kale ayaa waxaa ka muuqday qaar ka mid ah muhaajiriinta oo ay jirkooda ka muuqdaan calaamado. Qaar ka mid ah muhaajiriinta ayaa la arkayay iyadoo shaqaalaha gargaarka ay saarayaan ambalaas.

Muhaajiriinta qaar’ “xaaladdooda caafimaad aad ayay u liidataa,” ayuu yiri Alorafi.

“Muhaajiriinta waxaa u badan Soomaali”

Xogahayaha labaad ee safaaradda Soomaaliya ee Libya Ibrahim Maxamed Maxamuud oo wareysi siiyay BBC ayaa sheegay in ilaa 200 oo qof oo u badan Soomaali iyo Itoobiyaan laga soo badbaadiyay koox loo yaqaanno ‘Magafeyaal’.

“Tirokoob rasmi ah ma jiro sababtoo ah weli hay’adaha ma gaarin halka laga soo badbaadiyay welina waxay ku jiraan gacanta laamaha ammaanka, welina waan ku daba jirnaa inaan helno tirokoob sax ah,” ayuu yiri.

Wuxuu xusay in dadkan haatan ay gacanta ku hayaan ciidamada welise aan la ogeyn halka dhabta ah ee lagu hayo.

Muhaajiriintan ayuu sheegay inay u badan yihiin haween, ayna jiraan weli dad kale oo ku xiran goobo kale oo Libya ka mid ah.

“Waxaa nala soo xiriira waaliddiinta muhaajiriinta oo ina siiya nambarradooda annagana waxaan u gudbinnaa laamaha ammaanka si dadkaas loo soo badbaadiyo,” ayuu yiri.

Wuxuu intaa ku daray in hore sidan oo kale loo soo badbaadiyay tahriibayaal ah heysteen kooxdan.