Fiqi oo loo magacaabay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya

0

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa saaka oo Axad ah magacaabay xubno ka tirsan golihiisa wasiiradda, waxaana uu wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah u magacaabay Axmed Macallin Fiqi oo hore u ahaa wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta.

Xafiiska Warfaafinta xafiiska Ra’isul Wasaaraha ayaa shaaciyay magacaabistan.

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta ayaa waxaa loo magacabay Cali Yuusuf Cali Xoosh.

General Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaan ayaa isna loo magacaabay wasiirka amniga gudaha.

Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa isna loo magacaabay wasiirka wasaarada tamarta iyo biyaha, halka Maxamed Aadan Macallin loo magacaabay wasiirka wasaaradda boostada, is-gaarsiinta iyo tiknoolojiyadda.

Ra’isul Wasaare Xamse ayaa sidoo kale Axmed Cumar Maxamed u magacaabay wasiiru-dowlaha wasaaradda bay’ada iyo is-bedelka cimilada.