Wax ka ogow ciidamada Hindiya ee Soomaalida kula dagaalamay badda dhexdeeda

0

Ciidamada badda dalka Hindiya ayuu bartamaha badda dagaal ku dhexmaray Soomaali hubeysan oo lagu tilmaamay inay yihiin burcad badeed.

Weerar lagu tilmaamay kii ugu horreeyay ee noociisa ah tan iyo 2017dii ayay ciidamada Hindiya ku qaadeen koox Soomaali ah oo badda weynta ku dhexheysta markab la yiraa MV Ruen oo ay afduubteen bishii ugu dambeysay ee sanadkii hore.

Howlgalkan socday muddo afartan saac ah oo ay ka qeyb qaateen diyaarado iyo saxiimado ayaa waxaa ugu dambeyn lagu furtay 17 qof oo ah shaqaalaha markabka, iyadoo sidoo kale ay ciidamada Hindiya qabteen 35 qof oo Soomaalida hubeysan ah.

Maxaan ka naqaanaa ciidamada Badda ee India?

Muddo dheer, Hindiya waxa ay diiradda saareysay siyaasaddeeda difaaca ee xuduudaha dhulka, iyada oo isha ku heysa labada dal xiisada ugu weyn kala dhexeyso ee Pakistan iyo Shiinaha.Laakiin hadda, hammigeeda caalamiga ah ay sii ballaaratay, waxay billowday inay si weyn u maalgeliso awoodda ciidammada badda, si ka duwan sida dhaqanka u ahayd, iyadoo diirada saareysa Badweynta Hindiya iyo Basifika.

Laakiin hadda, hammigeeda caalamiga ah ay sii ballaaratay, waxay billowday inay si weyn u maalgeliso awoodda ciidammada badda, si ka duwan sida dhaqanka u ahayd, iyadoo diirada saareysa Badweynta Hindiya iyo Basifika.

Sanadkii 2019, Tirada ciidanka badda Hindiya ee heeganka shaqo ku jira ayaa lagu sheegay 67,252, halka kuwa keydka ku jira ay gaarayaan 75,000. Waxay leeyahiin 150 markab oo kuwa waa weyn iyo gujisyaal iyo 300 oo diyaaradood oo dushooda ka kaca. Waa ciidamo aad u qalabaysan tirada iyo tayada gaadiidkaba.

Waa wadan ka mida tobanka wadan ee adduunka oo dhan ugu badan uguna qalab fiican marka la fiiriyo dhanka ciidamada badda. Waxaa ka horreeya dalal ay ka mid yihiin Mareykanka, Shiinaha iyo Ruushka oo iyagu hadda ah saddexda dal ee ugu awoodda badan dunida dhanka ciidanka.

Hindiya ayaa lagu qiimeeyay inay ku jirto kaalinta afraad ee dalalka ugu xooga badan caalamka, sida ay sheegtay Global Firepower Index, oo ah xarun lagu falanqeeyo xogta ku salaysan arrimaha go’aamiya awoodda dagaal ee qaran.

Waxa ay ciidamada Hindiya ka qabanayaan badda cas iyo Badweynta Hindiya

Tan iyo markii ay bilowdeen weerarada Xuutiyiinta ee maraakiibta maraysa Badda Cas ciidamada Hindiya ayaa howlgal dhaqdhaqaaq oo ka duwan kuwoodii hore ka bilabaay badweynta Hindiya iyo Badda Casba. Dhowr markab oo Xuutiyiintu duqeeyeenna way caawiyeen.

Ciidamada Badda Hindiya oo loolan xoogan oo iska caabin ah waligoodba kula jiray dalka Pakistan ayaan looga baran in ay muruqooda muujiyaan iyagoo intii hore oo dhan ahaa ciidan heegan ah oo difaac uun ku jiray.

Illaa iyo dhismahii Ciidamada Hindiya waxay ahaayeen kuwo ku eg uun ilaalinta dhulka iyo baddaha Hindiya tartan xoogana oo difaacna kula jira wadamada ay xifaaltamaan waa Pakistan iyo China.

Balse markii ay bilowdeen howlgalada Xuutiyiintu ku bartilmaameedsanayaan maraakiibta Isaa’iil ee Badda Cas maraysa ciidamada badda Hindiya ayaa awoodooda ku fidiyay gobolka markii ugu horreysay taariikhda iyagoo maraakiibtooda dagaal ku ekeeyay Badda Cas.

Hindiya ayaa soo dirtay saddex markab oo ah kuwa xambaara qalabka burburiya gantaalada iyo diyaaraddo sahan ah bishii November markaasoo Kooxda Xuutiyiinta ee fadhigoodu yahay Yaman ay bilaabeen inay beegsadaan maraakiibta iyagoo taageeraya Xamaas, taasoo sababtay khalkhal ku yimid dariiq ganacsi oo muhiim ah oo uu maro ilaa 12% ganacsiga caalamiga ah.

Hindiya ayaa si weyn u faafinaysa dacaayado ay u sameyneyso ciidamada ay dirayso, taas oo muujinaysa rabitaankeeda ah in ay la wareegto mas’uuliyad ballaaran oo ku saabsan amniga badda ee adduunka iyo himilooyinkeeda baddan ee sii kordhaya ee ay kula loolamayso saameynta Shiinaha ee gobolka.

Ciidamada badda ee Hindiya ayaa caawiyay ugu yaraan afar markab oo saddex ka mid ah ay weerareen fallaagada Xuutiyiinta iyo mid kale oo Washington ay ku eedeysay Iran, eedeymahaas oo Tehran ay beenisay. Waxa kale oo ay fulisay dhawr hawlgal oo ka dhan ah budhcad-badeedda.

Waloow ayna si toos ah qayb uga noqonin howlgalka Maraykanku hoggaaminaayo ee loogasoo horjeedo xuutiyiinta haddana waxay noqdeen kuwo iskood u taagan.

Halkii ay kala diriri lahaayeen Xuutiyiintana ciidamada India waxay diiradda saareen la dagaalanka budhcad badeeda

Howlgalada la xasuusto ee Ciidamada Badda India Sameeyeen

Howlgalka Raahat, waa mida ay sameeyeen ciidamada badda Hindiya sanadkii 2015 si ay usoo daad gureeyeen dadka u dhashay dalka Hindiya iyo ajaaniibta kale ee ku sugnaa dalka Yemen xilligii xiisaddu ka taagnayd.

Howlgalka Parakram, Waxuu ahaa mid u dhexeeyay wadanka ay sida ad u xifaaltamaan ee Pakistaan kaasoo dhacay 2006 kaas oo ay ciidamada ciidamada gaar ahaan kuwo cusub oo carbis kasoo baxay ay ka qayb noqdeen markii koobaad taariikhda.

Howlgalka Trident, xilligii uu socday dagaalkii u dhexeeyay India iyo Pakistan 1971 ciidamada badda ee India ayaa dagaalka saamayn balaadhan ka qaatay kuwaas oo ay ciidamada India isticmaaleen gantaalaha lidka ku ah maraakiibta halkaas oo ay India ku burburisay maraakiib badan oo Pakistan leedahay.