Maxaadan ka ogeyn sii daynta madaxweynihii hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida, Cabdi Muxumed Cumar?

0

Madaxweynahii hore ee dowlad deegaankii Cabdi Maxamuud Cumar ayaa laga sii daayay xabsi ku yaala magalaada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo ku xidhnaa tan iyo bishii Ogoosto sanadkii 2018-kii, sida uu BBC-da u xaqiijiyay qareenkiisa iyo qaar kamida dad ka ag dhow.

Qareenkiisa Iskendir Gezhne oo BBC-da lahadlay ayaa sheegay kadib markii dacwad oogaha guud ka noqoday dhammaan waxyaabahii uu ku eedaysnaa.

Sii deyntiisa ayaa ku soo aadeysa lix sanno kadib markii xabsiga la dhigay, waqtigii uu talada dalkaas la wareegay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo xilligaascusbaa.

“Waxa aan xaqiijin karo ayaa ah in Cabdi lagasii daayay xabsiga maanta (maalinimadan khamiista) galabnimada, balse ma aana maqal wax codsi ah oo uu jeediyay xeer ilaalintu.” Ayuu yidhi qareenkiisu

Waxaa sidoo kale lasii daayay Raxma Maxamuud Haybe oo ahayd masuul ka tirsanaa maamulkii Cabdi Muxumed, sida ay BBC da ay BBC da u xaqiijiyeen dad qaraabo la ah.

Raxma oo ahayd Xildhibaanad ka tirsan Barlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida, ayaa sidoo kale ahayd Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Carruurta.

Waxyaabaha ay horay dacwado oogayaashu ugu soo eedeyn Cabdi Maxamuud Cumar ayaa waxaa ka mid ahaa in uu ku lug lahaa abaabul dhallinyrada ‘Heego’ – oo sida la sheegay dhibaato markaas ka abuuraysay deegaanka. Waxaana lagusoo oogay in uu masuul ka ahaa dhimashada 59 qof oo la dilay iyo 250 kale oo ku dhaawacmay xarumo dowladeed iyo kuwo diimeedna la burburiyay.

Waxaa ka kale oo la sheegay in la sii dayaya wiil yar oo la sheegay in uu ku eedaysnaa kiis kufsi ah oo loo gaystay gabadh Itoobiyaan ah, 4-tii Ogoosto 2018 kii, kadib qalalaasahii ka dhacay magaalada Jigjiga.

Waxaa la sheegay in wiilku in xilligaas la xidhaayay uusanba ahayn qof qaangaadh ah.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ahaa madaxweynahii Dowladda Deegaanka Soomaalida tan iyo 2010-kii, isagoo horey inta uusan noqonin madaxweynahana u ahaa Hoggaanka Nabadgelyada ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Isaga oo madaxweyne ah ayaana lagu xidhay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Dowladda uu hoggaamiyo Abiye Axmed ayaana xidhay xilligaas iyadoo haatana xabsiga kasii daysay markii warqad ka socoto Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ay gaadhay xeer Ilaalinta.