Markiibkii ugu horeeyay ee Xuutiyiintu biyaha ka hoos mariyeen iyo shardiga ku xiran in ay joojiyaan weerarada

0

Bilo kadib markii kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yeman ay bilaabin in ay weeraraan maraakiibta isticmaasha Badda Cas, ayaa markabkii ugu horeeyay oo ah nooca waawayn ee ay weeraraan maanta quusay.

Barkaab oo ka diiwaan gashnaa waddanka Ingiriiska kaas oo sidayay maadooyinka wax lagu bacrimiyo ayaa marayay Badda Cas, marka uu heleelayay gantaal ay soo tureen Kooxda Xuutiyiinta eek u sugan Gacanka cadan, laba tadobaad ka hor.

Sida ay sheegeen masuuliyiinta dawladda Yeman, markabkaan oo lagu magacaabo Ribeymar ayaa quusey biyaha, kadib markii uu dul yaalay muddo afar maalin ah, oo ay biyuhu si tartartiib ah u buuxdhaafinayeen gudahiisa.

Markabkaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee quusa tan iyo markii kooxda ay taageerto Iran ee Xuutiyiintu ay bilaabeen weerarada beegsiga ah ee ka dhanka ah maraakiibta maraysa Badda cas bishii November.

Sida ay sheegeen khubaradu, markabkaan oo siday maadooyinka wax lagu bacrimiyo eel ka kooban kiimikooyinka, ayaa waxa uu sababi doonaa dhaawac uu geysto deegaanka, gaar ahaan gunta hoose ee Badda Cas.

Markabka Ribeymar, ayaa waxaa haleelay laba gantaal oo ay tureen Xuutiyiintu, xilli uu socday meel u dhaw marinka Baab al mandab eek u yaalla Gacanka Cadmeed.

Toban maalin ka hor oo ahayd markii weerarkaan dhacay ayay dawladda Ingiriisku sheegtay in biyo xoog leh ay ku qulqulayaan gudaha Markabka, ayna badbaadiyeen 24 kamid ah shaqaalihii markabka.

Sawir ay heshay BBC du todobaad ka hor ayaa muujinayay qayb ka mid ah markabka oo biyaha hoos u quustay iyo qaybta kale oo dul sabeynaysa biyaha.

Mulkiilayaasha markabka ayaa xillgaas sheegay in markabka loo soo xambaarayo takadda jabuuti oo halkaas ka dhaw, balse ay u badneed in uu quuso.

Markabkaan ayaa waxaa uu ka diiwan gashnaa waddanka Ingiriiska, balse waxa uu ku socday magaca waddanka Lubnaan. Xilliga la weeraray ayaa la sheegay in ay ka buuxday maadada kiimikada ee bacriminta loo loo isticmaalo oo lagu macaabo ammonium nitrate.

Ra’iisul wasaaraha waddanka yemen, Ahmed bin Mubarak oo la hadlay warbaahinta caalamka ayaa ku tilmaamay quusitaanka markabka mid keeni doono “musiibo deegaan oo aan laga sii baaraan dagin”.

Hay’ad u ololeysa badqabka deegaanka badda ee dunida oo dhan oo lagu magacaabo Greenpeace, ayaa waxa ay sheegtay in maadada ammonium nitrate ee lagu sii daayay badda ay “saameyn xun ku yeelan doonto nolosha ka jirta gunta hoose ee badda”.

Kooxda Xuutiyiinta oo horay u hadlay bishii November ee sanadkii hore ayaa sheegay, in ay weerari doonaan dhamaan maraakiibta xiriirka la leh Israa’iil ee isticmaalaya Badda cas, iyaga oo doonaya in ay taageero u muujiyaan dadka reer Falastiin eek u nool marinka Gaza, halkaas oo hawlgallo joogta ah ay ka waddo dawladda israa’iil.

Si ay uga jawaabaan weerada Xuutiyiinta ayaa dawladaha Ingiriiska iyo Maraykanka waxay bilaabeen duuqaymo aan kala joogsi lahayn oo ku beegsanayn xarumaha iyo saldhigyada ay kooxdu ku leedahay gudaha Yemen.

Dhanka kale Ururka Badaha ee dawladda Ingiriiska ayaa sheegay sabtidii in ay heleen xog sheegaysa weerar ka dhan ah marka maraya meel u dhaw takada ku taalla galbeedka daka Yemen ee Mokah.

“Shaqaalaha markabka ayaa madaxda milatarigu amreen in ay isaga dagaan markabka ka hor inta uusan meel ku xiran,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Sidoo kale taliska dhexe ee Maraykanka ayaa sheegay in ay dhulka soo dhigeen gantaal ay tuureen kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen, isdifaacid ahaanna ay u sameeyeen arrinkaas.

Taliska milatariga ee Maraykanka ayaa sheegay in gantaalka ay doonayeen in ay tuuraan Xuutiyiintu ee laga hortagay uu qatar xoog leh galiyay diyaaradda Maraykanka.

Weerarada ay geysanayaan kooxda uutiyiinta ayaa la sheegay in uu ku qasbay maraakiibta shirkadaha waawayn in ay ka weecdaan wadada muhiimka ah ee Badda Cas, halkaas oo 12 boqolkiiba ganacsiga badda mara ee adduunka oo dhan uu isticmaali jiray.

Inkasta oo ay ahayd bil ka hor markii uu bilowday hawlgalada uu Maraykanku hugaaminayo ee lagu duqaynayo saldhigyada Xuutiyiinta, hadana kooxdu waxay muujiyiin in ay wali awood u leeyihiin in ay qaadaan weeraro culus oo ka dhan ah maraakiibta.

Xuutiyiinta ayaa sheegay in ay joojin doonaan weeraradaan marka Israa’iil joojiso weerarada ay ka wado marinka Gaza.