Xoolo ka dhaafi lahaa dekada Berbera ayaa ku xaniban Albaabka laga sii daayo xoolaha,

0

Xoolo ka dhaafi lahaa dekada Berbera ayaa ku xaniban Albaabka laga sii daayo xoolaha,

Sidaynu ognahay waxaa xidhantay dekadii Port Sudan  markii dalkaasi dagal Ehli ahi uu ka dhacay waxaase fursad labaad oo dhanka dhoofka xoolaha ah heshay Dekada Berbera oo awalba ahayd Qooriga ugu muhiimsan ee dhoofka xoolaha Geeska Africa,

 labadii bilood ee udanbeeyayna xoolo boqolaal kunoo xoolo  ah ayaa ka dhoofay Dekada Berbera kuwaas oo lakal geeyay  Sucuudiga, Cumaan, Imaaradka, Yemen  iyo Gadar oo kusoo biirtay suuqyada xoolaha ka dhoofa dekada Berbera,

 Hadaba iyadoo fursada qaaliga ah ay heshay Dekada Berbera ayaa hadana  waxa jira caqabado ay ka cabanaay ganacsatada Xoolaha Dhoofiya  oo sheeegay in aan tixgalin wayn oo ah u adeega  xooaha aanay haynin  dabacana xubno kamida Ganacsatada xoolaha aya warbaahinta qaarkeed caawa usheegay in xoolo gadhay 21000 oo adhi ah iyo 2100 Geel oo lagasoo daayay macjarka Al mutaxida  4 galabnimo ay wali ku xaniban yihiin albaabka dekada laga galo ,

waxaanay ganacsatadani u sheegeen warbaahinta in aanay garnaynin sababta  Kaal loogu banayn  waayay markabkiiii qadi lahaa oo wali taagan haabada dekada Berbera , Mid kamida ganacsatadan ayaa yidhi xataa waxaanu cabashadayada gaadhssinay maareyaha dekada Berbera iyo madaxda Shirkada Dp World waxa jawaabana kama hayno an ahayn hada ayaa la idin soo xidhayaa markabkii  laakiin taasi wali ma suura galin, waxaana ka cabsi qabnaa ayuu ganacsadahan ka mida kuwa xoolaha dhoofiya in caawana ay dib u noqdaan xoolahasi taasina waa tacadi ku dhacaya Xoolaha,

  sidoo kaleana waxaanu fariimo gaadhsiinay ayuu yidhi  Madaxwayne ku xigeenak Somaliland iyo wasiirka Xanaanad Xoolaha si ay wax ug aqabtaan cabashadaydada,

Xooluhu waa lafdhabarta dhaqaalaha jamhuuriyad Somaliland lacagta adagina ay kazoo gasho, waa waxa kaliya ee aynu debada udhoofino waxaana mubiima in Xoolaha loo Helo Dekada gaara oo laga dhoofiyo