Maxaa lagu daraa bariiskan la karsado `maalinta Khamiista ee ubad-raadinta` lagana cuno dalkan Muslimka ah?

0

Plov – oo ah isku dhafka bariis, khudaar, hilib iyo dhir – wuxuu caan ka yahay dhammaanba dalalka la isku yiraahdo Waddada Xariirta ah, balse waxaa si dhow loola xiriiriyaa Uzbekistan. Bariiskan oo ugu yaraan toddobaadkii hal mar la cuno, waa cunnada dalka waxaana loo arkaa qeyb ka mid ah dabaaldegyada qoyska, dhalashooyinka, aroosyada iyo duugta iyo in lagu maamuuso Muslimiinta kasoo laabanaya Xajka.

Bariiskan waxaa markii ugu horreysay loo kariyay Alexander the Great, oo amray in loo kariyo cunno lagu qanco si uu usii heysto ciidankiisa intii lagu guda jiray ololeyaasha Bartamaha Aasiya. “Ma heyno caddeymo taariikhi ah oo taas lagu caddeeyo, balse waxa aan ognahay waa in qarniyadii 9aad iyo 10aad, in plov uu halkan caan ka noqday,” ayay tiri Nilufar Nuriddinova, oo ah hage dhanka dalxiiska ah una dhalatay dalkaas Uzbekistan isla markaana daneysa taariikhda cunnada. “Bariisku wuxuu dalag aasaasi ah ka ahaa gobolka in ka badan 1,000 sano. Waxay u baahan tahay shaqo adag si loo beero, si la mid ah beeridda dalagyada iyo dhaqashada xoolaha. Sidaa darteed, plov wuxuu bulshada ballaaran ee xoolo-dhaqatada ah u ahaa cunno ay nafaqo ka buuxdo.”

Plov haatan waxaa loo arkaa qeyb muhiim ah oo ka mid ah cunnooyin-dhaqameedka iyadoo dhowaan lagu daray liiska Unesco ee dhaxalka. “Wuu ka qaro weyn yahay cunno,” ayay tiri Nuriddinova. “Waxay cunnadan abuurtaa xididnimo bulsho waxayna dhiirrigelisaa saaxiibtinnimada; dalkeenna ayay isu keentaa.”

Waxay xitaa BBC u sheegtay in erayga uu yahay qyeb muhiim ah oo ka tirsan luqadda Uzbek. “Wuxuu kasoo muuqdaa weero maalin walba la isticmaalo sida, ‘Haddii aad ogtahay in keliya ay hal maalin kaaga hartay nolosha, ku bixi cunidda plov,'” ayay tiri. “Waxay ka dhigan tahay in markaa kadib ay dhiman karto adigoo faraxsan. Dalka Uzbekistan, nolol bilaa plov ah waa mid aan la qiyaasi karin.”

Waxaa jira in ka badan 100 jaad oo plov ah oo laga cuni Uzbekistan. Qaabka loo kariyo way ku kala duwan yihiin gobollada iyo xilliyada, balse mid walba waxaa ku jira waxyaabaha muhiimka ah ee magaca u sameynaya bariiskan oo magaciisa oo buuxa uu yahay, osh palov: “o” oo looga jeedo ob (waa biyo luqadda Beershiyaanka), “sh” oo loosoo gaabiyay sholi (bariis), “p” oo laga wado piyoz (basal), “a” oo loo soo gaabiyay ayoz (karooto), “l” oo u dhigan lamh (hilib), “o” oo u dhigan olio (saliid), iyo “v” oo loo soo gaabiyay vet (cusbo).

Maqaayadda ugu caansan dalkaas ee laga cuno plov waa Besh Qozon (oo sidoo kale loo yaqaanno the Central Asian Plov Centre), kuna taalla xaafadda Yunusabad ee caasimadda, Tashkent. Maqaayaddan oo loo maleynayo mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee plov laga cuno kuna yaalla Bartamaha Aasiya, Besh Qozon waxaa maalin walba yimaada 5,000 ilaa 8,000 oo macmiil ah, iyadoo plov lagu kariyo sagaal dheriyo waaweyn ah oo lagu shidayo qoryo waxaana dheriyada loo yaqaan kazan.

Marka la eego dhaqanka dadka Uzbek, saxan walba oo plov ah waa in la raaciyaa non (rooti). Shokirjon Nurmatov oo rootiga u duba Besh Qozon, si la mid ah dhammaan shaqaalaha jikada, wuxuu raacaa caado uu sameystay kahor inta uusan shaqada gelin: wuu weyseystaa, gacmaha ayuu kor u taagaa oo wuu duceystaa si uu shaqadiisa ugu guuleeyo. Markaa kadib unbuu bilaabaa inuu dubo in ka badan 3,000 oo roodhi ah maalintiiba.

 

Hannaanka karinta plov waxaa loo maraa hab adag oo aan laga tallaabi karin: waxaa lagu bilaabaa guduudinta hilibka (hilib ido iyo lo’ oo isku dhaf ah), kahor inta aan lagu darin karooto, basal, bariis, biyo iyo dhir. Sagdiyev wuxuu isticmaalaa cusbo, filfil, huruud iyo xawaash – oo makrii ugu horreysay Uzbekistan uga yimid HIndiya iyadoo lasoo marsiinayo Waddada Xariirta ah. Bariiska Besh Qozon ee chaykhana plov waxaa dheeri ku ah misir iyo sabiib.

 

Maalmaha Khamiista iyo Axadda ayaa loo arkaa inay yihiin maalmaha ugu badan ee bariiskan laga cuno Uzbekistan. “Waxay u badan tahay sababtoo ah xilliyadii hore, dadka baaddiyaha deggan ayaa keliya magaalada usoo safri jiray toddobaadkiiba labo jeer si ay alaabahooda u iibiyaan,” ayay tiri Nuriddinova. “Marka, lacag badan ayay heysan jireen Khamiisyada iyo Aaxadaha si ay ugu iibsadaan dhammaanba waxyaabaha ay u baahan yihiin.”

Sagdiyev ayaa BBC u sheegay in sababta loo jecel yahay in maalmaha Khamiista loo cuno plov ay sidoo kale tahay in loo maleeyo inay tahya maalin caan ku ah ilmo-raadinta. Wuxuu sheegay in ragga qaar ay ku kaftamaan in erayga plov uu la micno yahay faro ka ciyaar, iyadoo saliidda dhex ceegaagta bartamaha dheriga kazan mararka qaar loo cabo sida inay tahay Viagra dabiici ah isla markaana qaar badan oo oshpaz-ta ka tirsan ayaa hilibka ugu wanaagsan u dhiga maalmaha Khamiista si ragga macmiilka u ah ay uga helaan awood ragannimo oo dheeri ah.

Dhaqanka ah in ubad la raadiyo Khamiista waxaa lala xiriiriyaa Islaamka. “Waxaa loo maleynayaa in Nebiga NNKH uu calool-galay Khamiis,” Sagdiyev ayaa yiri. “Sidaa darteed, haddii aad dooneyso in cunuggaaga uu caqlilow noqdo, si fiicanna u dhaqmo, ay Malaa’iktu u duceeyaan uuna yeesho qalbi Alle ku xiran, waa maalin wanaagsan inaad ubad raadiso. Balse keliya waa marka la cuno plov.”