Falanqeyn: Reer Galbeedka oo ka walaacsan galaangalka Ruushka ee Afrika

0

Ruushka ayaa qaaradda Afrika u diraya ciidamo cusub oo bedelaya Kooxdii Calooshood-ushaqaytayaasha ahaa ee Wagner Group, laakiin siyaasadda Ruushka ee ku aaddan Afrika ayaan ku koobnayn dhinaca milatariga oo kaliya.

Ruushka ayaa ka mid ah dalalka ugu soo saarka badan (Qamadiga) adduunka, iyada oo qaaradda Afrika ay tahay meesha ugu baahida badan qamadiga adduunka.

Arrintan ayaa walaac ku abuurtay dalalka reer galbeedka oo walaac ka muujiyay in Ruushku uu uga faa’idaysanayo wax soo saarkiisa qamadiga si uu diblomaasiyad ahaan cadaadis ugu saaro dalalka Afrika ee uu saameeyay isbedelka cimiladu.