Baanka Aduunka oo Mashruuc Lacageed Ku Bixinaya Laydhka Berbera.

0

Baanka Aduunka oo Mashruuc Lacageed Ku Bixinaya Laydhka Berbera.

Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Somaliland Cabdilahi Faarax Cabdi Agaasimaha Guud.Agaasimayaasha Waaxyaha ee Wasaarada.Komishanka Tamarta iyo Masuuliyiinta Shirkadaha gaarka loo leeyahay ee laydhka Berbera Maamula ayaa maanta kulan la yeeshay Madax ka socotay Baanka Aduunka Kulanka ayaa Lagu lafa guraayay Mashruuc Lacageed oo Lagu Caawinayo Laydhka Berbera ay hada Munaafacaadsadaan Shirkadaha Ugu Waaweyn Dalka oo Saamiyo ku leh.
Mashruucan oo ka kooban Dab dhaliayaal cadceeda Lagu timiyo(Sollars)iyo Baytariyo dabka kaydiya ayaa lacag malaayion Dollar lagu Bixiyo.
Mashruucan ayaa lagu caawinayaa shacabka Berbera oo laydhkooda ay maamulaan shirkado Faa.iido doona oo gaar loo leeyahay oo iyadoo Sollarkii hore Dubai Fund ugu caawisay shacabka Berberana ay munaafacaadsadaan shirkadaha laydhka Berbera Maamulaa iyagoo aanay waxba ka faa.iidin shacabku oo iibka laydkuna qaali kuyahay wali.
Baanka aduunka ayaa hore 2 Milyan oo Dollar hore ugu caawiyay Laydhka Berbera ilaa hada lama yaqaan meel ay lacagtaasi martay imikana lacagta lagu bixinayaa wax ka badan tahay 2-daa Milyan.

Shacabka Berbera waxa ka masuula Golaha Deegaanka ay doorteen iyaagana laga rabaa inay La socdaan mashaaariicda magaca shacabka lagu Soo qadanayee ay ka qatan yihiin.