Waa kuma Kornayl Maxamed Al Mansouri? Sarkaalkii ugu sarreeyey Iimaaraadka ee lagu dilay weerarkii Muqdisho

0

Sida uu BBC-da u sheegay khabiir amaan iyo Sirdoon oo magaciisa diiday in la shaaciyo ayaa xusay in Kornayl Maxamed Al-Mansouri uu ahaa ninka ugu sarreeya qorshaha Iimaaraadka ee Soomaaliya, isagoo Sida uu xusay Soomaaliya loo soo diray bilowgii muddo xileedka xilligan ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sarkaalkan ayaa sheegay in Al Mansouri, uu ka mid ahaa Sirdoonka ciidanka Militariga ee Dalka Isu taga Imaaraadka Carabta, uuna yahay nin awood u leh fulinta, qorshaynta iyo dhaqan galinta qorshayaasha Iimaaradka ee Soomaaliya kaasoo leh awood gaar ah.

“Wuxuu leeyahay awood dhaafsan Askari darajo leh, Darajadiisa sida ka muuqata Warranta Officer 1 kaas oo ah qof loo xilsaaray shaqo cayiman, darajadaas cida qabta waa saraakiisha gaarta darajada ciidan ee Gaashaanle dhexe ilaa gaashaanle sare, wuxuu leeyahay awood fulineed oo leh mid farsamo iyo mid xeelad labadaba” ayuu BBC u sheegay Sarkaalkan.

Wuxuu intaa ku daray in xogta uu hayo ay tahay in sidoo kale Maxamed Al Mansouri uu booqday xarunta ciidanka PMPF ee Puntland oo xaruntoodu ku taal magaalada Boosaso iyo meelo kale oo ka tirsan Soomaaliya.Mursal Maxamuud Saney, Agaasimaha Machadka Herritage ayaa BBC u sheegay in waxa dhacay ay muujinayso inuu jiro dayac weyn oo amni oo u baahan in lagula xisaabtamo ciddii mas’uuliyadda lahayd, ha noqdeen Soomaali ama Iimaaraatiyiin, waa in la sameeyaa isla xisaabtan dhab ah.

Wuxuu su’aal galiyey sida dhacdadu u dhacday isagoo xusay in tani u baahan tahay in baaritaan xoog leh laga sameeyo.

“Su’aasha xusidda mudan waxaa weeye, waxaa la is dhexgaliyey askar hubaysan iyo sarkaal noocaas oo aan soomali ahayn oo heerkaa ku fadhiya iyo dable askari oo hubaysan oo wata qori inay is dhexgalaan oo ay fursad isku helaan waa su’aal u baahan in wax badan layska waydiiyo, ninkan ninkii xerada haystay mahaa” ayuu intaas ku daray.

“Waxaa muuqata in hadda kiisku adag yahay, sababtoo ah ninki dilka gaystay waa la dilay isagana, laakin qiimo kasta oo ay ku kacdo waxay ahayd in la qabto, taasoo ka fiicnaan lahayd in la dilo” ayuu BBC u sheegay Sarkaalkan.

Maxay arrintan u dhimi kartaa howlihii Imaaraadka ee Soomaaliya?

Iimaaraadka Carabta ayaa muddo dheer Soomaaliya ka caawinayey dhanka tababarka iyo qalabaynta ciidanka Soomaaliya , laakin dhacdadan ayuu Sarkaalkan sheegay iny Soomaali ku keeni karto in dib u fiirsasho badan laga sameeyo

“Runtii waa khatar weyn, waxay ku tahay Soomaaliya iyo Iimaaraadka in Ciidankii ay tababarayeen dhexdiisa ay dhacdadan ka dhacdo waxay kaloo dhaawacaysaa sidii furnayd ee kalsoonidu ku jirtay dadka ka shaqeeya Soomaaliya ee taageera inay dib ugu noqdaan Qorshahooda, Soomaaliya lafteeduna dib ugu noqo arrimaheda ” ayuu BBC-da u sheegay Sarkaalkan Sirdoon.

Sarkaalkan nala hadlay ayaa noo sheegay in Al Mansouri uu noqonayo sarkaal Iimaaraati ah oo darajo ahaan heerkaas gaarsiisan ee inta la ogyahay lagu dilo Soomaaliya.

Imaaraadka ayaa tababaray, qalabeeyey isla markaana gacanta ku haya Ciidamada PMPF oo ah ciidamada badda ee Puntland kuwaas oo fuliya howlgalo ciidan oo ka dhan ah danbiyada xeebaha ka dhaca iyo la dagaalanka Argagixisada.

Mursal Maxamuud Saney, agaasimaha Machadka cilmi baarista ee Heritage ayaa BBC da u sheegay in aan la filayn inay arinta saamayn ku yeelato xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta

“Imaaraadku waxay Soomaaliya ka shaqaynayeen 12kii sano ee ugu danbaysay iyo ka badan, way u soo bareereen in Soomaliya waxa ka jira waa ogyihiin markay u soo dirayaan saraakiishooda iyo diplomaasiyiintooda in dalka ay joogaan kuwo diidan in dalka loo dhiso ciidamo, marka isma lihi inaba ha yaraatee wax samayn ah ayey arrintan ku yeelanaysaa sidaan qabo qabo” ayuu yiri Mursal Saney.

Wuxuu intaa ku daray in loo baahan yahay in si weyn looga taxadaro dadka lagu soo darayo ciidanka oo la hubiyo.

“Waxaa muuqda dayac weyn, lamana inkiri karo taas, ciidanka la qorayo iyo ciidanka laftiisa waa in lagu samayeeyo hubin iyo sugnaan adag. Casharka laga baran karana waa in dhalinayarada laga warqabo badqabkooda caqli iyo badqabkooda qalbi” ayuu yiri Saney.

Iimaaradka oo shaaciyey Magacyada ragga lagaga dilay Soomaaliya

Sida uu baahiyey Wargayska Gulf News oo soo xiganaya wakaalada wararka ee Imaaraadka ‘WAM’ Maydadka saraakiishii Imaaraadka ee Xalay lagu dilay Muqdisho ayaa la gaarsiiyey Magaalada Abu Dhabi iyadoo ay siday Diyaarad ciidan.

Sida Wakaalada Imaaraadku ee WAM ay sheegtayna Maamuus ayaa loo sameeyey maydadka, waxaana ka qayb galay saraakiil sar sare oo ka tirsan wasaaradda gaashandhiga Imaaaraadka iyo ehelada askarta.

Magacyada ayaa la shaaciyey, waxa ayna kala yihiin Kornayl Maxamed Al Mansouri oo darajo ahaan loo qoray “Warant Officer 1”, Maxamed Al Shamsi oo isna darajadiisa lagu sheegay “Warant Officer 1”, Khalifa Al Balushi iyo Corporal Suleiman Al Shehhi.

Wasaaradda gaashaandhiga Iimaraadka Carabta ayaa sheegtay in Askartan la dilay iyagoo gudanaya waajibaadkooda ah in la tababaro oo la tayeeyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, taasoo qayb ka ah heshiiska laba geesoodka ah ee u dhexeeya Imaaraadka iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya kaasoo ku qotoma iskaashiga milateri ee labada dal.

Bisha Febraayo sanadkii 2019-kii, waxaa Bosaaso lagu dilay Paul Anthony Fermosa oo ahaa madaxii shirkadda DP World ee dekadda magaalada Boosaaso kaas oo u shaqaynayey Shirkadan Imaaraadku leeyahay, Sidoo kale Febraayo 2024-ta, Imaaraadka ayaa looga dilay Soomaaliya saraakiil ciidan.