Askari kasoo goostay Al shabaab oo layay Saraakiil ciidan oo ajanabi ah iyo kuwo soomali ahba

0

Weerarkii toogashada ahaa ee xalay ka dhacday Xerada Ciidanka General Gordan ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ku dhintay saraakiil kala duwan oo ay ku jiraan afar sarkaal oo ka mid ahaa macalimiintii tababarka bixinaysay, sida lagu sheegay war kaso baxay wasaaradda difaaca dawladda Imaaraadka.

Warka ayaa intaas ku sii daray in saraakiishu ay u kala dhasheen Imaaraadka Carabta iyo waddanka Baxrayn.

Sidoo kale waxaa la sheegay in saraakiil iyo askar Soomaali ah oo goobta ku sugnaa ay ku dhinteen weerarka inkasta oo aan tirada si sax ah loo xaqiijn karin.

Saraakiil iyo askar qabta dhaawacyo kala duwan oo isugu jira Soomaali iyo ajaaniba ayaa iyana la sheegay in la gaarsiiyay qaar ka mid ah isbitaalada sida ay xaqiijiyeen shaqaalaha caafimaadka.

Sidee wax u dhaceen?

Fiidnimadii xalay ayaa askari hubaysan oo kamid ahaa ilaalada xerada ciidamada ee Janaraal Gordan waxa uu rasaas la beegsaday goob ay ku sugnaayeen saraakiil sarasare oo ay ku jiraan tababarayaal ajanabi ah, waxaa sidaasi wakaalada Wararka Reuters Saraakiil ka tirsan ciidanka iyo shaqaalaha isbitaalka.

“Askariga ayaa rasaas ku furay tababarayaasha Imaaraadka iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Soomaaliya markii ay salaadda galeen,” ayuu yiri sarkaalkan oo magaciisa kusoo koobay Axmed oo la hadlay wakalada wararka Reuters.

Askariga weerarkaan fuliyay oo horey uga soo goostay kooxda Al shabaab ayaa isna goobta lagu toogtay, sida saraakiil sare u sheegeen Reuters.

“Waxaan fahamsanahay in askariga uu ka goostay Al-shabaab ka hor inta aan loo qorin ciidanka dowladda Soomaaliya ee Imaaraadku tababaro,” ayuu sarkaalka sare u sheegay Reuters.

Imaaraadku muxuu ka yiri falkaan?

Wasaaradda gaashaandhigga Imaaraadka Carabta, ayaa sheegtay in saddex ka tirsan ciidamadeeda qalabka sida iyo hal sarkaal oo u dhashay dalka Baxreyn lagu dilay “fal argagixiso” oo ka dhacay Soomaaliya, xilli ay tababarayeen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Imaaraadka Carabta oo lagu daabacay bogga wakaalada wararka Imaaradka Carabta ayaa lagu yiri:

“Wasaaradda Gaashaandhigga waxay ku dhowaaqaysaa inay shahiideen saddex askari oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Imaaraadka Carabta iyo sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka Baxreyn, halka ay dhaawaca yihiin labo kadib fal argagixiso oo ka dhacay Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Soomaaliya”.

Marka laga yimaado qoraalka kooban ee Wasaaradda difaac Imaaraadka ma aysan bixin faahfaahin kale oo weerarka ku sabasan, balse waxay sheegtay in Imaaraadku uu sii wadayo xariirka iyo wadashaqeynta ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya si loo baaro” falkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo weerarka dib dhaawacyada ku booqaday isbitaalka Digfeer, ayaa si adag uga hadlay weerarkan, isaga oo ku amray laamaha ammaanku inay sameeyaan baaris degdeg ah.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dalka isu-tagga imaaraadka carabta, garab-is-taaggooda joogtada ah ee dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya.

“Dawladda iyo Shacabka aan walalaha nahay ee Imaaraadka Carabta waxaan uga tacsiyeynaynaa saraakiisha ku naf waayey weerarka argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Muqdisho, Saraakiishaas oo u yimid dalkeenna in ay ka qeyb-qaataan dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya illaa hadda faahfaahin badan kama bixinin, khasaaraha ka dhashay weerarkan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaas, iyagoo sheegay inay beegsadeen taliska saraakiisha Imaaraadka ee gudaha xerada ku yaalla.

Waxay sheegteen in ay halkaas lagu dilay 17 sarkaal oo isugu jira Imaaraad, Soomaali iyo kuwo kale oo ka socday wadamo kale, lana shaqeynayey Imaaraadka, balse ma jirto cid ka madax-banaan kooxda oo soo bandhigtay khasaaraha inta uu la egyahay.