website-ka madasha caalamiga ah ee (Gulf International Forum) ayaa ka digtay in fiilooyinka muhiimka ah ee badda hoosteeda mara laga yaabo in ay bartilmaameed cusub u noqdaan weerarrada Xuutiyiinta

0

Warbixin cusub oo lagu daabacay website-ka madasha caalamiga ah ee (Gulf International Forum) ayaa ka digtay in fiilooyinka muhiimka ah ee badda hoosteeda mara laga yaabo in ay bartilmaameed cusub u noqdaan weerarrada soo socda ee Xuutiyiinta ee Badda Cas, taasoo muujinaysa khatar isa soo taraysa oo si weyn u carqaladayn karta isgaarsiinta iyo dhaqaalaha caalamka.

“Shabakadda fiilooyinka isgaarsiineed ee muhiimka ah ee biyaha hoostooda waxay noqon kartaa bartilmaameed jilicsan oo ku habboon weerarka soo socda ee Xuutiyiinta” ayaa lagu yiri warbixinta.

Weerarada Xuuthiyiinta ee lagu bartilmaameedsanayo maraakiibta ganacsiga ee ku sugan badda cas ayaa halis weyn ku ah isu socodka badda, balse waxaa suuragal in kooxdu fuliso r ka dhan ah fiilooyinka isgaarsiinta ee badda hoosteeda mara sida uu sheegay wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee xukuumadda fadhigeedu yahay magaalada Cadan ee caalamku aqoonsan yahay.

Toddobaadyo ka hor, bog Telegram ah oo ay leeyihiin kooxda Xuuthiyiinta ayaa daabacay warbixin ay ku lifaaqan yihiin sawir muujinaya khariidadda shabakadaha fiilooyinka internet-ka iyo isgaadhsiinta ee mara badda cas iyo gacanka Carabta.Fiilooyinka internet-ka waa mid ah kaabayaasha ugu muhiimsan adduunka, iyada oo loo adeegsado in ka badan 95% xogta caalamiga ah iyo isgaarsiinta dunida, waxaana maalin kasta la isku marsiiya iswaydaaris dhaqaale oo dhan $10 trillion.