Home Wararka Dowladda Ethiopiya ayaa ku dhawaaqday maanta in ay awoodi wayday inay iska...
Addis-Ababa —
Dowladda Ethiopiya ayaa ku dhawaaqday maanta in ay awoodi wayday inay iska bixiso daynta lagu leeyahay, iyadoo noqonaysa dalkii saddexaad ee Afrika ee daynta iska bixin waaya. Raysal wasaare Appy aya sheegay in culays dhaqale uu fuulay dalkiisa,
wararka xogogaalka ah ayaa sheegay in illaa iminka uu xal u la yahay raysal wasaare Appy in uu iska bixiyo daynta inakstoo dawlada Ethiopia ay ku dadaashay in laga cafiyo daynta wali uma suuro galin, Daynta ugu bdan waxa ku leh dalka China
waqtiga loo qabtay inay daynta bixiyaan ayaa ku ekayd 23 desember 2023 inkastoo la sheegayo in labo wiig oo danbe loogu darey, wadahadldii u socday china iyo dayn bixiyasha kale ayaan wax natiijo ah laga gadhin oo burburay,
dalkan Ethiopia ayaa waxa sanadihii udanbeeyay hala keyay dagalo gudaha ah oo dabada ku haya isirka kala duwan ee qoomiyadaha kuwada dhaqan dalkasi, waxaaanay wali ay ka sal dhigi ladahay mabadiida is diidan iyo siyasadha kala aragtida ah ee lafta iy dhuuxa ka galay siyaasyiinta dalkaasi ,