Nairobi —
Madaxweynaha Dowladda Kenya William Ruto ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu qaadday shuruudihii dal-ku-galka ee dhammaan dadka ajaanibka ah ee dalka Kenya imanaya.
Ruto ayaa sheegay in tallaabadani ay dhiirigelin doonto isu socodka dadka iyo badeecadaha xorta ah, ayna Kenya u fureyso fursado badan oo ganacsi.
madaxwaynaha Kenya ayaana warkan kaga dhawaaqay xaflada xuska sanadguurada 60 aad ee markii ay xoriyadeeda ka qaadatay dalka kenya, waxaanu yidhi,
laga bilaabo bisha jenawaeri ee sanadka 2024 in dalka kanya lagusoo gali karo fiie la,aan
Kenya Free Visa, sidaa ayuu ugu dhawaaqay madaxwaynaha kenya,
siyaasiyiinta kenyaanka ah ayana si wayn usoo dhaweeyay sidoo kalena dadkii baayac mushtarka iyo arimaha gaarka ah u iman jiray ayaa ku diirsday
Hadaba waxaa jira shuruudo kale oo ay ku xidhan tahay in aad bilaa fiise ku tagto dalka kenta ,Hubun wayn ayana la marin doonaa qofka,
wadanka Kenya ayaana Noqday wadankii labaad ee ku dhawaaqa in dalkiisa bilaa fiise lagu tagi karo cid walbaana iman karto, wadanka Ruwanda ayaana ka horeeyay dalka kenya