Putin oo isku aaminay inuu booqdo dalal Muslimiin ah isagoo horay uga baqay inuu u safro dalal kale

0

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa safar naadir ah shalay ku tagay dalalka Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga.

Mawduucyada la filayo in laga wada hadlo waxaa ka mid ah dagaallada Gaza iyo Ukraine, iyo sidoo kale soo saarista saliidda, oo uu kala hadlay madaxweynaha Imaaraadka Carabta.

Imaaraadku wuxuu hadda martigelinayaa shirka cimilada ee COP28 ee Qaramada Midoobay.

Mr Putin, oo marar dhif ah galay safarro uu kaga baxaya Ruushka tan iyo bishii Maarso markii maxkamadda caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ay soo saartay amar lagu soo xirayo, ayaa sidoo kale Khamiista waxa uu hogaamiyaha Iran kula kulmi doona magaalada Moscow.

Maxkamada ICC ayaa ku eedeysay inuu si sharci darro ah u tarxiilay caruur u dhashay dalka Ukraine oo uu u dhoofiyay dalka Ruushka -taas oo ah dambi dagaal balse imaaraadka iyo Sacuudiga midna ma aqoonsana maxkamada.

Hoggaamiyaha Ruushka ayaanan ka qeyb gelin shirar caalami ah oo ay ku jiraan shirkii Brics ee Koonfur Afrika oo bishii Agoosto dhacay iyo shirkii G20 ee Sebtembar ka dhacay Hindiya.

Safarradan ayaa ku soo beegmaya iyadoo Ruushku uu aad u danaynayo in uu saamayn ku yeesho oo uu wiiqo isku dayga reer galbeedka ee ay ku doonayaan in ay ku go’doomiyaan.

Mr Putin ayaa waxaa imaaraatka ku soo dhaweeyay ciidamo farado iyo mootooyin wadda halka kooxda hawada sare ay ku sawirtay calanka Ruushka oo ay ka muuqo qiiq.

Hoggaamiyaha Ruushka ayaa u sheegay Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan “Xiriirkayagu wuxuu gaaray heer aan horay loo arag”.

Ganacsiga iyo saliida ayaa noqon doona ajandaha Imaaraadka, kaas oo bayaan ka soo baxay Kremlin lagu sheegay inuu yahay “saaxiibka ugu weyn ee dhanka dhaqaalaha Ruushka iyo dunida Carabta”.

Madaxweynaha Ruushka ayaa markii dambe u safray Sacuudiga si uu ula kulmo dhaxal sugaha Boqortooyada, Amiir Maxamed Bin Salmaan.

Intii lagu guda jiray kulan kooban oo telefishinka laga sii daayay ayuu Mr putin waxaa uu amiirka dhaxalsugaha ah ku casumay inuu booqdo Moscow.

“Ma jiraan wax hor istaagi kara horumarinta xiriirka saaxiibtinimo,” ayuu yiri, isagoo raaciyay inay muhiim tahay “in la isweydaarsado macluumaadka iyo qiimeynta” dhacdooyinka gobolka ee hadda jira.

Dhaxal sugaha ayaa sheegay in iskaashiga laba geesoodka ah uu “gacan ka geystay in meesha laga saaro xiisado badan oo ka taagnaa bariga dhexe”.

Hogaamiyaha muranka badan dhaliyay ee Jamhuuriyadda Chechnya ee Ruushka, Ramzan Kadyrov, ayaa sidoo kale lagu arkay isaga oo ka qayb galaya kulanka Mr Putin iyo hogaamiyaha dhabta ah ee dawladda Khaliijka.

Ka hor kulanka Kremlin-ka ayaa la sheegay in labada hoggaamiye ay “tixgalin doonaan siyaabaha lagu yareyn karo xiisadda” colaadda u dhexeysa Israa’iil iyo Xamaas iyo in colaadaha Suuriya, Yemen iyo Suudaan looga wadahadli doono Imaaraadka iyo Sacuudiga.

Wakaaladda wararka ee Ruushka Tass ayaa sidoo kale sheegtay in afhayeenka xukuumadda Ruushka, Dmitry Peskov, uu xaqiijiyay in Mr Putin iyo amiirka dhaxalsugaha ah ay ka wadahadleen iskaashiga Opec+.

Saraakiisha Kremlin-ka ayaa ku dhawaaqay in Mr Putin uu la kulmi doono madaxweynaha Iran Ibrahim Raisi Khamiista si ay ugala hadlaan dagaalka Gaza.

Mr Putin ayaa tan iyo markii uu Ruushku soo galay Ukraine bishii February ee sannadkii 2022 waxa uu booqday oo keliya gobollada uu ka haysto Ruushku ee Ukraine, Iran iyo Shiinaha.