Aqalka Wakiillada Mareykanka oo meel mariyey hindise lagu cambaareeyay Rashida Tlaib

0

Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa goor dambe oo Talaadadii ah u codeeyay in uu si adag u canbaareeyo Xildhibaanadda Dimuqraadiga ah ee Rashida Tlaib oo laga soo doorto gobolka Michigan ahna qofka kali ah ee Falastiiniyad Mareykan ah oo ka tirsan Koongareeska.

Waxa ay tallaabadan u qaadeen hadalladeeda la xiriira dagaalka Israel iyo Xamaas.