Shaki ayan ka qabna shanta xildhiban, Dp World diyaar ayan unahay inaanu ku biirno geele ahaan, waxanu doonayna in wasarada shaqada iyo arimaha bulshadu hawshayada wado, dariiqii salafadooranka ayanu maraynayna,

0

Muruqmalka Dekada Berbera ee loo yaqaan Geelayasha  ayaa wali waxaa usuura galin  sidii ay ugu wareegi lahayeen shirkada Caalmiga ah ee Dpworld shaqalaha waynaha shirkadasina ugu mid noqon  lahayeen,

Sanadihii udanbeeyayna qorshayal dhowr ah loo tafaxaytay inay  ku biiraan shirkadaasi iyaga dhexdooda ayay ka socon wayday,

Hadaba bilihii udanbeeyay siday warbaahinta u sheegen qaarkood  diyaar ayay u noqdeen inay ku  biiraan shirkadaasi laakiin dariiqii ayay wali ku  mashquuleen oo sida xogah ay  ku bixinayaan xubno kamid ah geelayaashu waliba maamulkoodu  kolba koox ayaa iskaga dhigaysa inay dantooda wado mudo kabacdina way ka boodayan,

Magalada Berbera xiligan waxa ku sugan 5 xildhibaan oo ka tirsan barlamanka Somaliland iyo labo wasiir,Sida uu noogu waramay xubin kamida masuuliyiinta Geelayasha  wuxu warbaahinta usheegay in shalay galinkii danbe waa arbacadii e ay kulan la qaateen shantaa xildhiban iyo wasiirka maaliyada sacad cali shire hotel mansoor eee Berbera  waxanu intasi ku daray masuulkan oo codsaday in  magaciisa an la sheegin in aaany shirkaa waxba kazoo bixin laguna kala kacay mardanbena la balamay,

waxanu waydiinay sabata ay ukala boodeen waxanu yidhi, waxaanu araganay in goobta ay fadhiyan Rag qorshe noosoo diyaaraday  oo mashruuc nagusoo qaaatay isgaoo ua jeeday markii an waydiiyay   wuxuu yidhi waa xildhibaanada  oo Aanan isku mabda ka taagnayn qadiyadayada ayuu yidhi laakiin wuxuu beri lyeelay wasiirka wuxuuna yidhi wasiir sacad wa dacad aan  wax ka dayaynin hawshadayada wuxuuna jecel yahay in aanu wanag ku dhamaysano anag iyo Dp World,

Sidoo kale masuulkan ka tirsan geelaha berbera wuxuu yidhi Anagu waxaanu diyar unahay in arinkayaga ay gasho xukuumada Somaliland khasatan wasarada shaqada iyo arimaha bulshada oo wasiirkeedii xilgan uu joogo Berbera,

Dabcan warar kale ee warbaahintu helayso ayaa  sheegaya in shantan xildhiban wadaan qorshe sidii Dp World ula wareegil lahayd Geelayssha  iyagoo usamaeeyay shirkad mamusha oo dhex unoqota labadooda masuuliyadana huwata macanihii shirkada masuul ka noqota geelaha sida xamaliinta dekada jabuuti ee shirkada ganacsatadu leedahay  maamusho ,

Arnkan ayana ah ka ay ka biyo diideen geelayaashu waxanay doonayan sida xoguhu sheegayan in Masuuliyiinta Geelugu Heshiis la galan madaxda shirkad Dp word sidii ay horeba usamaysay ee ay ula heshiiska Salafadorankii,

Mardhow filo muuqqalka warkan,