Waa tee badda ay dooneyso Itoobiya ee ay sheegtay in jiritaankeedu ku xiran yahay?

0

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in helitaanka bad gaar ahaan badda cas ay tahay arrin muhiim u ah jiritaanka dalkiisa. Hdal ay dad badan u fasirteen inuu yahay colaad lala galo waddanka dariska la ah ee Eritrea ayuu ku sheegay in loo baahan yahay inay wadahadalo sax ah oo ay galaan.

Abiy ayaa hadalkaan ka yiri khudbad laga sii daayay talafshinka oo uu kula hadlay baarlamaanka dalkiisa.

Itoobiya ayaa noqotay waddanka ugu balaaran Afrika ee aan lahayn bad, tan iyo markii ay ka go’day Eritrea sanadkii 1993 dii, iyada oo ku tiirsan waddanka ay dariska yihiin ee Djiboutu oo ay kala soo dagaan %85 badeecooyinkooda.

“Bad cas iyo wabiga Niil ayaa qeexa Itoobiya; waxay asaas u yihiin horumarka Itoobiya,” ayuu Abiy u sheegay baarlamaanka isaga oo ku booriyay inay ka xishoon mawduucaan.

Hadalka Abiy eek u saabsan badda ayaa dood iyo saadaalin ka dhex abuuray dadka Itoobiya eek u xariira baraha bulshada taas oo ay la is weydiinayo halista u uku keeni karo heshiiskii ay wada gaareen Abiy iyo madaxweynaha Eritrea Isias Afeworki oo ahaa in la soo afjaro colaadda daba dheeraatay ee u dhaxaysay labada waddan, Heshiiskaas ayaa dhacay sanadkii 2018 kii.

Ciidamada Eritrea ayaa ka barbar dagaalamay kuwa Itoobiya xilligii ay dagaaka kula jiree ciidamada Tigray kaas oo ka dhacay wuqooyiga dalka Itoobiya.

Itoobiya ayaa sidoo kale horaan sheegtay inay dhisaneyso ciidmadeeda badda.

Abiy ayaa sheegay in takado ku yaalla Eritrea, Djibouti iyo Somaliland ay yihiin kuwa ay ku heli karaan si nabad ah.

Abiy ayaa dhanka kale ka dhawaajiyay suuragalnimada dib u midow dhexmara iyaga iyo Eritrea, kaas oo noqon kara nidaam fadaraal ama mid iyaga oo kala madax banaan ay si guud dusha hal dawlad uga noqanayaan, iya sidoo kale in suuragalnimada in ay is dhaafsadaan dhul iyada oo Itoobiya iibineyso sahmiyo kamid ah mashruuca ay ugu magac dartay Mega Dam ee wabiga Niil.

Dhawaan saraakiil sarsare oo Itoobiyaan ah oo ka hadlay arrinka la xriira takadaha ayaa sheegay in istaraatiiji ah aysan habooneyn, maadaama aan taageero laga haysan shacabka gobolada ugu waawayn ee Itoobiya sida Oromia iyo Amhara.

Eritrea ayaan arrintaan wali hadal ka dhiiban.

Ciidanka Badda Itoobiya

Itoobiya oo ah waddan aan lahayn wax bad ah ayaa sannadihii lasoo dhaafay ku howlanaa dhismaha ciidamada badda, kuwaasoo laga leeyahay ujeeddooyin muhiim ah.

Tan iyo horraantii 1990-meeyadii, Itoobiya ma lahayn ciidamo badeed oo shaqeeya, inkastoo waddanka uu horay u lahaa awood ciidan oo dhanka badda ah.

Islamarkii uu Abiy Axmed noqday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya 2018-kii, waxaa howlihii uu guda galay ka mid ahaa inuu ka shaqeeyo sidii dib loogu soo nooleyn lahaa cududda ciidanka badda ee waddankiisa.

Wakaaladda Wararka Fanaa ee ku hadasha afka dowladda Itoobiya ayaa soo xigatay Mr Abiy oo sheegaya in dib u habeynta militariga ay tahay “in lala jaan qaadsiiyo dunida isbaddalka degdegga ah sameyneysa, sidoo kalena ku tallaabsaneysa horumarka dhanka dhaqaalaha iyo siyaasadda”.

Itoobiya ayaa la aaminsan yahay in ay isku dayeyso sidii ay saameyn dhanka awoodda ah ugu yeelan lahayd gobolka dhinaca bari ee Badda Cas ayna la wareegto illaalinta amniga marinnada badda ee ay isticmaalaan maraakiibta ganacsiga ee Itoobiya.

Inta badan maraakiibta badeecooyinka u wada Itoobiya ayaa adeegsada badda Cas iyo Gacanka Cadan.